Qaybta Tamarta Qoraxda Laga Dhaliyo Ee Cusbitalka Laaascaanood Oo La Dhagax Dhigay

0
534

Laascaanood (Dawan): Wasiirka wasaaradda Macdanta iyo Tamarta jamhuuriyadda Somaliland Jaamac Maxamuud Cigaal, ayaa maanta dhagax dhigay cusbitaalka Laascaanood qaybta Tamarta laga dhaliyo Qoraxda.

 

Wasiirka Macdanta waxaa dhagax dhigaasi ku wehelinayay wasiirka wasaaradda hawlaha guud, dhulka iyo guriyaynta Somaliland C/rashiid Xaaji Ducaale Qambi iyo badhasaabka gobolka Sool C/qani Maxamuud Jiidhe, iyo la taliyaha madaxweynaha Somaliland ee arrimaha bulshadda C/waaxid C/qaadir C/raxmaan.

Dhismaha goobtan Tamarta laga dhaliyo Qoraxda ee cusbitaalka magaaladda Laascaanood waxaa  Somaliland ka caawinaysa hay’adda NIS FOUNDATION.

Xubnahan wasiirrada ah iyo la taliyaha madaxweyne Muuse Biixi ee arrimaha bulshadda ayaa safar shaqo u tegay Laascaanood.

Halkaasoo ay habeen hore kaga qayb galeen munaasibad balaadhan oo lagu xusayay lixdan guurrada ka soo wareegtay markii Somaliland xornimadda ka qaadatay bqorotooyadii Ingiriiska 26-kii bishii June ee sanadkii 1960-kii.

Wasiirradii iyo masuuliyiintii kale oo halkaas hadalo ka jeediyay ayaa ka waramay waxtarka laga filayo in ay cusbitaalka Laascaanood ku soo kordhiso marka la dhamaystiro dhismaha xaruntan tamarta laga dhaliyo Qoraxda.

 

 

Dawannews.com/Hargaysa Office.

 

Leave a Reply