“Dhallinyaradu Laba, Saddex iyo Afarba ha Guursadan”Sheekh Cabdiraxmaan Dheere

0
1097

Hargeysa (Dawan) Sheekh Cabdiraxmaan Maxamed Cali (Sheekh Cabdiraxmaan Dheere) ayaa khudbadii jimcaha ee maanta kaga hadlay kaalinta guurku kaga jiro horumarka iyo is dhexgalka  bulshada, waxaanu dhalinyarada iyo cidii wax heystaba ugu baaqay in laba iyo intii ka badanba ay guursaddaan.

Dhanka kale waxaa uu xukuumadda Somaliland ugu baaqay in sanadkii boqol wiilaal iyo gabdho isugu jira in ay isu dhisto, taasi oo ku tilmaamay guul Qaranka u soo hoyatay, waxaanu kula dardaarmay in miisaaniyada Qaranka loogu daro dhalinyarada kharashaad ay guurkooda ku kabi karaan.

Sheekh Cabdiraxmaan Dheere waxaa uu Hooyooyinka kula taliyay in aanay muxu kharashaad heysta ka eegin wiilka gabadha ka soo doonay ee ay ruxmada uu leeyahay ku siiyaan.

Sheekh Cabdiraxmaan Maxamed Cali (Sheekh Cabdiraxmaan Dheere) isaga oo ugu horeyn arrimahaasi ka hadlaya waxaa uu yidhi “Dhalinyarada iyo intii wax heysataba in aynu ku dhiirigelino inay guurka badsadaan, oo laba iyo saddexba ay guursaddan, ILLAAHEY laba ayuu ka bilaabay marku guurka ka waramayay, laba guursadda, oo saddex guursadda, oo afar guursadda ayuu yidhi ALLAH, hadii aad xaqooda iyo xuquuqdooda ka soo bixi kareysaan”

Dhanka kale waxaa uu xukuumadda Somaliland ugu baaqay in sanadkii boqol wiilaal iyo gabdho isugu jira in ay isu dhisto, taasi oo ku tilmaamay guul Qaranka u soo hoyatay, waxaanu kula dardaarmay in miisaaniyada Qaranka loogu daro dhalinyarada kharashaad ay guurkooda ku kabi karaan “Madaxdu meelo badan ayay dhaqaale ku bixisa oo aan macno ku fadhiyin, dowladu miisaaniyada Qaranka hawgu darto da’yarta guurkooda wax ay kaga qayb qaadato,  oo hadii dawladu sanadkiiba boqol wiil iyo boqol gabdhood isu dhisto guul weyn ayay Qaranka iyo madaxdaba u soo hooyeen madaxdu”

Sheekh Cabdiraxmaan Dheere waxaa uu Hooyooyinka kula taliyay in aanay muxu kharashaad heysta ka eegin wiilka gabadha ka soo doonay ee ay ruxmada uu leeyahay ku siiyaan “Hooyooyinkana waxaan leeyahay ILLAAHEY ka baqa oo wiilka gabadhaada ka soo doonay wuu ku sharfay oo wuu ku karaameeyay ee nin wanaagsan inantaada la doono, oo wiilka ka hida raac reerkoodu ma wanaagsan yahay, dhaqankoodu waa side, aabihii waa side, qoyskooda oo dhammani waa side, nin xilqaadi kara ma yahay xaggaasi ka eeg ee xoolo ma heysta haka eegin, xoolaha waala hella laakiin xurmadda lama helo, ruuxa ruxmadiisa ka eega oo fijaanadan malaayiinta ah ee aad dadka daba waddaan ka daaya oo ILLAAHEY ka yaaba”

Leave a Reply