Sh. Cabdilaahi Cali Jowhar oo Xukuumadda ugu baaqay inay joojiso hannaanka qabyaalad ee wax lagu qaybsado

0
561

Hargeysa-(Dawan)-Sh. Cabdilaahi Sh. Cali Jowhar oo ka mid ahaa culimada waaweyn ee dalka oo xalay ka qayb galay munaasibada lagu xusaayey sannad guurada lixdanaad ee kasoo wareegtay markii Somaliland xornimada ka qaadatay Boqortooyada Ingiriiksa  ayaa ka warbixiyey marxadihii Somaliland soo martay soddonkii sannadood ee la soo dhaafay, waxaanu sheegay in JSL ku guulaysatay nabadeynta markii siyaasiyiintii dalku ay noqdeen qaar bisil oo uga dambeeyey hawlihii nabeynta. Waxa kaloo uu caddeeyey in shirkii Burco ee lagaga dhawaaqay dib ula soo noqoshada madaxbannaanida Somaliland ay waxgaradka beelaha Somaliland oo dhammi u dhammaayeen.

Sh. Cabdilaahi Sh. Cali Jowhar waxa uu madaxdhaqameedka ugu baaqay in ku ekaadaan xilka iyo waajibaadka ballaadhan ee ay ummadda u hayaan, isla markaana wixii tallooyinka ay Xukuumadda siinayaan ay noqdaan qaar hufan oo aan karaamo iyo lexjeclo leh.

Waxa kaloo, Sheekh Cabdilaahi uu Xukuumadda u soo jeediyey inay joojiso hannaanka ah in qabyaalad wax lagu qaybsado, taasi oo uu tilmaamay inay qaranka ku tahay hadimo. Waxa kaloo uu ku booriyey Madaxweynaha in xoogga la saaro sidii loo xoojin lahaa wax-soo-saarka dalka.

Leave a Reply