Laascaanood Oo Si Weyn Looga Xusay Maalinta Xornimadda Somaliland Ee 26-ka June

0
369

Laascaanood (Dawan): Munaasibad lagu xusayay lixdan guurrada ka soo wareegtay markii ay Somaliland xornimadda ka qaadatay mustacmaradii Ingiriiska 26-kii June sanadkii 1960-kii ayaa xalay lagu qabtay magaaladda Laascaanood ee xarunta gobolka Sool.

Munaasibadaasi oo ahayd mid balaadhan oo si weyn loo soo agaasimay waxaa ka qayb galay wasiirro, maamulka gobolka Sool, ka degmadda Laascaanooc,  masuuliyiinta laamaha dawladda ee gobolka Sool, madax dhaqameed, aqoon yahano iyo qaybaha kala duwan ee bulshadda.

Waxaana wasiirradii xafladaasi joogay xubno ka mid ahaa wasiirka wasaaradda hawlaha guud, dhulka iyo guriyaynta Somaliland C/rashiid Ducaale Qambi, wasiirka wasaaradda macdanta iyo tamarta Jaamac Maxamuud Cigaal, la taliyaha madaxweyne Biixi ee arrimaha bulshadda C/waaxid C/qaadir C/raxmaan.

Guddoomiyaha gobolka Sool C/qani Maxamuud Jiidhe, maayar ku-xigeenka Laascaanood, xubno ka tirsan golaha deegaanka magaaladda Laascaanood, taliyaha ciidamadda booliska qaybta gobolka Sool, saraakiil ka socday ciidamadda milateriga, hal-doorka bulshadda iyo masuuliyiin kale.

Wasiirrada wasaarradaha hawlaha guud C/rashiid Qambi, iyo Macdanta iyo tamarta Jaamac Maxamuud Cigaal,  oo xafladaasi hadal ka jeediyay ayaa ka waramay qiimaha ay maalinta 26-ka June ugu fadhido ummada Somaliland iyo halgankii dheeraa  iyo taariikheed ee loo soo maray sidii la isaga tuuri lahaa heeryadii gumaysiga lixdan sanadood ka hor.

Sidoo kale waxaa xafladaasi ka hadlay badhasaabka gobolka Sool C/qani Maxamuud Jiidhe, iyo la taliyaha madaxweyne Biixi ee arrimaha bulshadda C/waaxid C/qaadir C/raxmaan.

Dawannews.com/Hargaysa Office.

Leave a Reply