Dareenka xubin markii saddexaad kamid noqday Guddida Doorashooyinka Qaranka 

0
470

“maaha qadiyad lagu faano hebelbaa loo magacaabay Komishan Doorasho…” Komishaneer C/fataax
Qore. Saleeban Kalshaale
Hargeysa(Dawan)-Golaha Wakiillada Somaliland, ayaa maanta ansixiyey laba xubnood oo kamida guddida Doorashooyinka oo ay hore u diideen ansixintooda, balse mar kale lagu soo celiyey kaddib heshiis siyaasaddeed oo ay asxaabta qaranku ka gaadhay murankii hadheeyey magacaabista Komishanka Doorashada.
labadan xubnood oo ay soo magacaabeen Xisbyada Mucaaridku, waxa kamida Cabdifataax Ibraahim Sheikh oo markii saddexaad noqday xubin katirsan guddida Doorashooyinka, waxaana soo magacaabay Xisbiga Mucaaridka ah ee UCID oo sidoo kale labada jeer ee horeba soo xulay.
Cabdifataax Ibraahim Sheikh oo markii golaha Wakiilladu ansixiyeen wariyeyaasha la hadlay, ayaa ka dareen celiyey ku soo laabashada markii saddexaad ah ee Guddida Doorashada, isagoo tilmaamay in howsha hogaaminta Doorashooyinku aanay ahayn shaqo sahlan lagu farxo qabashadeeda, hase yeeshee cabiraada waaya-aragnimadiisa uu u arko masuuliyad aad u culus. “qabsoomida Doorashooyinku waxa ay ku dhalataa is-ogolaanshiyo siyaasaddeed, ogolaanshiyo shacab iyo in ay heshiis ku yihiin saamilayda siyaasaddu ayey ka dhalataa in la helo cidda qabanaysa amma ka garsooraysaa, markaa tanina waxa ay kamid ahayd dhamaystirka mid kamida dhardhaaradii ka dhinaa komishanka oo inoo dhamaystirmay, waanan ugu mahad-naqaynaa cid kasta oo ka shaqaysay”ayuu yidhi Komishaneerka oo ka hadlayey sida uu u arko ansixinta baarlamanka.
“waa markii saddexaad ee aan ku soo noqdo, maaha qadiyad lagu faano oo la yidhaahdo hebelbaa loo magacaabay Komishan Doorasho ee runtii waa arrin  baqashadeeda leh in qofku doorasho qabto, waayo? waa garsoor waa meel cabasho badan”ayuu raaciyey Cabdifataax oo dib u celiyey xusuustiisa saddexdii doorasho ee uu ka garsooray.
Cabdifataax, ayaa xubin ka ahaa labadii guddi ee qabtay Doorashadii Goleyaasha Deegaanka ee ugu howsha cuslayd ee dhacday 2012 iyo labadii doorasho madaxweyne ee qabsoomay 2010 iyo 2017 oo ay saddex madaxweyne isku kala bedeleen.
“Doorashadu waa howl geedi hereeraha laga wada jiro ah,waxyaabo badan ayaana rukumo u ah oo komishanku waa qayb kamida waxyaabaha rukumadda u ah, markaa maanta haddii la dhamaystiray waxaynu u sii dhawaanay howshii qabsoomida Doorashada.”
Isagoo ka waramaya waxyaabaha lagama maarmaanka u ah geedi-socodka Doorashada waxa uu sheegay “Doorashadu shuruucbay leedahay, Dhaqaale ayey leedahay, isfaham siyaasaddeedbay leedahay, amniga jiritaankiisii Doorashada lagu qaban lahaa ayey leedahay. hareeraha laga wada jiro, shuruucbay leedahay, isfaham siyaasaddeed ayey u baahan tahay, dhaqaale ayey u baahan tahay”ayuu yidhi.
Labada xubnood oo lagu ansixiyey fadhi aan caadi ahayn oo mudaneyaasha golaha wakiillada loogu yeedhay, ayaa waxa mari doonaan nidaamka dhaarta Dastuurku ku waajib yeellay, wixii ka dambeeyeyna waxa ay ku biiri doonaan shanta xubnood ee hore shaqada guddida doorashooyinka ugala wareegay komishankii hore.

Leave a Reply