Warbaahinta iyo Garyaqaannadu ha Ogaadaan in aanay Cidna ka Madaxbannaanayn Karaamada Qarannimada iyo Masiirka Shacbiga Somaliland

0
640

Faallo: Suxufi Maxamed Cumar Cabdi (Cirro)

Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland, waxa uu waajibiyey in shacbigu iska leeyahay awoodda iyo karaamada Qaranimada dalkan, iyadoo uu awooddaas iyo karaamadana u adeegsanayo si waafaqsan Dastuurka iyo xeerarka kale.

Dhinaca kale, sida ku cad qodobka 37-aad ee dastuurka, waxa ay shacbigu awoodda iyo karaamada qarannimadu ee dastuuriga ah ay u wakiisheen Dowlad, ku dhisan, kuna dhaqmaysa dastuurka dalka, waxayna farqadda koowaad ee qodobkaasi u dhigan tahay sidan;

QAAB-DHISMEEDKA QARANKA

QODOBKA 37AAD

AWOODDA IYO KARAAMADA QARANKA

  1. Eebbaha ummadda Somaliland ku beeray geyigani, waxa uu ugu deeqay awood iyo karaamo Qaranimo. Shacbiga Jamhuuriyadda Somaliland waxa uu awooddaas iyo karaamadaas sida ku cad Dastuurka u igmaday dawlad ku dhisnaan doonta, kuna dhaqmi doonta Dastuurka.

Haddaba, ma bannaana in xad-gudub iyo meel-ka-dhac lagu sameeyo awoodda iyo karaamada Ilaahay ugu deeqay ummadda ku beeran dhulkan Jamhuuriyadda Somaliland, iyadoo ay waajib tahay in Madaxweynaha Qaranka, Golayaasha Qaranka, Ciidammada, xisbiyada qaranka, warbaahinta, bulshada rayidka ah iyo guud ahaan muwaadiniinta Somaliland ay u hoggaansamaan, kuna dhaqmaan dastuurka Qaranka, isla markaana waxay shuruucdu waajibiyeen in tallaabo adag laga qaado cidkasta oo xad-gudub kula kacda qodobbada dastuuriga ah iyo karaamada qaranka Somaliland, waxaanna ugu horeeya Madaxweynaha dalka oo lagu ciqaabi karo maamuus-ka-xayuubin haddii uu ku kaco dastuur-jabin iyo khiyaamo qaran, sidaas oo kale saxaafadda madaxabannaan iyo warbaahinta aan laga lahayn dalka Somaliland waxay la kulmi karaan ciqaab adag haddii ay xad-gudub ku sameeyaan arrimaha masiiriga ah iyo madaxbannaanida dalka Somaliland.

Qodobka 32-aad ee dastuurka Somaliland, ayaa sidoo kale waajibinaya madaxbannaanida saxaafadda iyo xaqa ra’yi dhiibashada dadka muwaadiniinta ah, iyadoo xuquuqdaas dastuuriga ahna loo gudanayo si waafaqsan xeerarka u yaal ee dastuurku jideeyey, sida xeerka saxaafadda Somaliland ee ilaa hadda dhaqan-galka ah ee xeer Lr.27/2004 oo ka kooban 32 qodob, halka sidoo kale warbaahinta looga baahan yahay inay mar walba ilaaliso qarannimada iyo karaamada dalka ay ka hawlgalaan, si aanay waxyeelo ama dhaawac ugu gaysan dammiirka iyo shucuurta dalka.

Waa dambi iyo xad-gudub sharci, haddii Dowladda Somaliland ay qaado tallaabo lagu cabudhinayo warbaahinta madaxbannaan, kadib marka ay dhibsato dhaliilo loo jeediyo hannaanka shaqo iyo adeegyada loo qabto bulshada, iyadoo dastuurka iyo shuruucda kale ee dalkuba ay ogol yihiin in la dhaliili karo Hay’adaha Qaranka, sida Xukuumadda, Sharci-dejinta iyo Garsoorkaba, balse waxa muhiim ah in saxaafaddu kala ogaato dhaliilaha loo jeediyo Dowladda iyo falalka lidka ku ah qarannimada iyo karaamada qaranka Somaliland, dalkasta oo Caalamka ahina marnaba ma aqbalo, mana ogolaado in xad-gudub lagu sameeyo karaamada iyo madaxbannaanidiisa.

Haddaba, marka la eego dareenka ay dadweynuhu ka bixiyeen go’aanka lagu xayiray telefiishanka UNIVERSAL TV iyo sida weyn ee Xukuumadda arrintaas loogu taageeray, waxay muujinaysaa in telefiishankaasi sameeyey xad-gudubyo soo taxnaa oo ka dhan ahaa qarannimada Somaliland, taasoo keentay in xiitaa dadweynaha reer Somaliland dareemaan arrintaas, waxaannu dareenka diiran ee dadku bixiyeen ay tilmaan u tahay in Telefiishankaasi uu si buuxda u lumiyey kalsoonida shacbiga Somaliland.

Qareennada inta badan u dooda madaxbannaanida saxaafadda iyo xuquuqda ra’yi-dhiibashada, kana mid yihiin Garyaqaan Guuleed Axmed Jaamac (Dafac) iyo Garyaqaan Jamaal Axmed Xuseen (Mandeela), waxay barahooda bulshada ku faafiyeen qoraallo ay kaga hadleen xayiraadda lagu soo rogay telefiishanka UNIVERSAL, balse dadweynaha ka dareen-celiyey qoraalkooda (comments), waxa ay aqlabiyaddoodu muujiyeen inay Xukuumadda ku taageersan yihiin xayiraaddaas, iyadoo ay qiyaas ahaan 96% dadkaas muwaadiniinta ah ku doodeen in telefiishankaasi si badheedh ah ugu xad-gudbo qarannimada Somaliland.

Waxa muhiim ah in garyaqaannadu ay dib u wada eegaan dhammaanba fal-celinta ay dadku ka bixiyeen qoraalkooda, kadibna bal ugu yaqaan ka soo saaraan warbixin  iftiiminaysa tirada dadka ka soo horjeeda tallaabada lagula kacay UNIVERSAL TV iyo dadweynaha soo dhaweeyey, Xukuumaddana ku raacsan xayiraaddaas, marka xogtaas la helana saxaafadda madaxbannaan iyo telefiishankaasba ay la wadaagaan sidii meesha looga saari lahaa waxyaabaha keenay in dadweynuhu soo dhaweeyaan go’aan Xukuumadeed oo ka dhan ah Hay’ad warbaahineed oo madaxbannaan.

Tusaale kale, bal waxa aan in yar halkan idiinku soo gudbinayaa sida ay bulshadu uga fal-celisay laba warbixinood oo BBC Somali ka samaysay xayiraadda Universal TV, waxaana labadaas warbixinood mid ka mid ah ka fal-celiyey in ka badan kun qof, kuwaasoo marka aad faaloyinkooda (comments) akhrido ay kuu soo baxayso sida ay in ka badan 90% u taageerayaan, una soo dhaweeyeen xayiraadda la saaray UNIVERSAL TV, kuwaasoo si weyn ula dhacsan jawaabta uu bixiyey Wasiirka Warfaafin Somaliland Md. Saleebaan Cali Koore, waxa kaloo ay in ka badan 60% soo jeedinayaan in sidoo kale tallaabo laga qaado Laanta Afsoomaaliga ee BBC-da oo ay ku eedaynayaan in aanay ixtiraamin qarannimada Somaliland, halka sidoo kale qiyaas dhan ilaa 40% ay soo jeedinayaan in VOA Somali iyadana la xayiro. Fikirkan waxa gudbinaya waa dadweyne ka mid ah muwaadiniinta Somaliland oo dhibsaday sida ay warbaahinta qaarkood uga soo horjeedaan qaddiyadda madaxbannaanida dalkooda hooyo ee Jamhuuriyadda Somaliland. BBC Somali waa inay ixtiraamaan fal-celinta dadka reer Somaliland ka dhiibteen wararka ay faafiyaan, waana ay isku sameeyaan sixitaan ah inay si dhexdhexaad ah ugu shaqeeyaan dadka ku hadla Afsoomaaliga.

Garyaqaannada iyo warbaahinta madaxbannaan waa inay ogaadaan in Xukuumadda talada dalka haysa iyo dadweynuhu isku mawqif ka qaateen xayiraadda la saaray UNIVERSAL TV, halka sidoo kale ay dadweynaha reer Somaliland ee ra’yigooda ka dhiibtay mawduucan ay soo jeediyaan in tallaabo sharci ah laga qaado cidkasta oo laga dareemo inay cadaw ku yihiin qarannimada Jamhuuriyadda Somaliland.

By: suxufi Maxamed Cumar Cabdi (Cirro)

Hargeysa, Somaliland.

Leave a Reply