Warbixin : Wiil Bartay Cilmiga Qaanuunka iyo Sharciga oo Jaraa’idada ku Iibiya magaalada Hargeysa

0
1050

Hargeysa (Dawan) Mahad Saciid Salaad, waa wiil dhalinyaro ah oo cilmiga  sharciga iyo qaanuunka ka bartay jaamacadda Alpha faraceeda magaalada Hargeysa, taas oo uu ka qaatay shahaaddada heerka koobaad, balse muddo afar sano aan ku helin wax shaqo ah.

Dhan kale wiilkani waxaa uu xusay in caqabado badani ay ku gadaaman yihiin dhalinyarada isaga ficiisa ah ee doonaya in ay dalkooda iyo dadkooda u shaqeeyaan.

Mahad Saciid waxaa uu ka waramaya markii wax baranayay rajadu qabay iyo sida ay markaliya wax isu baddaleen  “Waxaan ka mid ahey da’yarta ku nool Jamhuuriyadda Somaliland, gaar ahaan magaalada Hargeysa, waxaa cilmiga sharciga iyo qaanuunka ee heerka koobaad aan ka bartay jaamacada Alpha faraceeda magaalada Hargeysa, dhab ahaantii markii aan wax baranayay rajo fiican ayaan ka qabay Kuuliyada sharciga iyo qaanuunka markii aan galayey ee aan is diwaan-gelinayay in aan waddankayga hooyo cilmiga iyo aqoonta aan bartay aan wax ugu qaban doono ididiilo noocaas ah ayaa igu jirtay, kadibna shaqo waan waayay meelo badan ayaan geystay waraaqaha codsiga, waan raadiyay anoo kaligey ah ayaan meelo badan soo maray, sida maxkamaddaha waan waayay, balse imika shahaadadeydii ayaan heystaa waxaan ku rajo weynahay in dalku sidan dhammi doono shaqana aan heli doono”

Mahad Saciid Salaad waxaa uu farta ku fiiqay in masuuliyiinta kala duwan ee xilalka haya ay caqabad ku yihiin helitaanka shaqo ee da’yarta wax baratay “Markaad shaqadii codsato waxaa la yidhi ‘waxaa la yidhi digada ninkii cagaha soo geliyay ayaa laga wareystaa’ markii aan arkay dhalinyaro wax aanu soo wada baranay oo wasiiro iyo xildhibaano ay dabada ka wadaan ayaa aniga mooraalkii iga xumaaday, far kali ahi fool ma dhaqdo oo aniga kaligey uunba socda waana waxyaabaha aan aaminsanahay in aan shaqo ku waayay ee caqabada igu ah”

 

Mahad Saciid Salaad kadib markii uu shaqo ku waayay cilmigi iyo aqoontii uu muddada dheer soo baranayay, imika waxaa uu  hirdan kula jira maareynta nolosha, kana maareynayay iibinta wareysyada madaxa bannaan ee sida maalin ah uga soo baxa magaalada Hargeysa, isaga oo la wareegana lana soo mara Huteelada iyo meelaha bulshadu ay ku kulanto “Wargeysyada kala duwan ee sida maalinlaha ah uga soo baxa magaalada Hargeysa ayaan iibiya, kuwaasi oo aan ka masruufo nolosheyda iyo ta qoyskayaga si aan u hiigsado shaqo ka fiican tan maanta aan hayo, dadka qaar ayaa ku odhanaya waxan miyaad iska daysid oo wax dhaama aad qabatid, adigii oo aad og tahay in naftu ay kugu kaliftay, oo shaqo la’aani ku heyso ayay ku odhanayaan maad iska daysid taasina waa caqabadaha jira ee aan kala kulmo bulshada”

Hadaba isaga oo ku guda jira iibinta jaraa’idadii uu soo qaaday waxaa u yeedhay wiil lagu magacaabo Khadar islamarkaana ka iibsadday Joornaalkii isagu uu ku qancay kadib markii uu isha wada mariyay “Jaraa’idada maxaa saaka cusub oo aad heysa tallow? Saaka waxaa soo baxay oo aan hayaa wargeyska Geeska Afrika, wargeyska Warsugan iyo wargeyska Foore, tus bal  kan ayaan door mooday oo aan qaadanayaa waa imisa qiimaha wargeysku? Waa saddex kun telefoonkaaga ii sheeg, waan ku diray saaxiib ILLAAHEY haku barakeeyo hadii ILLAAHEY yidhaaho meel wanaagsan ayaad gaadhi doonta, maaha wax ku filan nolosheyda ee bas raaceyga, baalashka, shaaha, iyo masaarifta reerka uunbay noqdaan, talaabo kasta oo aad qaado risiqaaga ayaa ku jira ee nin fadhiya iyo nin socda isku mid maaha dhalinyarada waxaan leeyahay fadhiga ka kaca oo shaqo raadsada”

“Jiilka cusub ee waddanka u soo kacaya ayaanu nahay marka madaxweynaha iyo xukuumaddaba waxaan ka codsanaya in ay dhalinyarada fursado shaqo u sameeyaan”Ayuu yidhi Mahad Saciid Salaad mar u si gaara ula hadlayay madaxweynaha iyo xukuumadda talada dalka heysa.

Sawirka Saciid Mahad Salaad oo ah wiilka bartay cilmiga qaynuunka iyo sharciga ee Jaraaidada iibiya iyo wariye Cabdilqaadir Aw Xasan iyo Boqore Axmed Cabdi, oo doonaya in ay eegaan xogta joornaaladu qoreen kadibna ay ka iibsadaan kii ay u bogaan/xuquuqda sawirka Wargeyska Dawan
Sawirka shahaadada heerka koobaad ee uu cilmiga qaynuunka iyo shareecada ee uu Mahad Saciid Salaad ka qaatay Jaamacada Alpha, faraceeda magaalada Hargeysa.
Sawirka Mahad Saciid Salaad ahna wiil bartay cilmiga qanuunka iyo sharciga oo gacanta ku haya, shahaadadii uu qaatay ee uu shaqada ku waayay, iyo jaraa’idada uu imika iibiyo.
Sawirka Mahad Saciid Salaad oo akhrisanaya mid ka mida joornaalada uu sida maalin laha ah u iibiyo.
Sawirka Mahad Saciid Salaad, kuwan uu gacanta ku hayaana waaa saddex ka mida wargeysyada sida maalin laha ah uga soo baxay gudaha magaalada Hargeysa ee uu iibiyo, waa Wargeyska Geeska Afrika, Wargeyska Warsugan iyo Wargeyska Foore.

 

 

Leave a Reply