Horumarka Hubka Iyo Masiibadiisa

0
575

Odayga Tossoto Moya magotshi aya aha qofka keliya ee sida rasmiga ah uga badbaaday qunbuladii nuclerka ahayd ee Maraykanku ku riday Horashema Japan dhamaadkii dagaalkii labaad.  Odayga aya sheegay in arinku ku bilawday iftiin weyn ka dibna qarax aan hore loo arag oo dhulku gariiraya ayaa ku xigay.  Qaraxasi ayaa keenay in qof kasta uu u cararo goobta uu u malaynayo inuu ku badbaadayo. Dadka aya hareerahayga ka qaylinayay waxayna u dhimanayeen qof qof. Waxaana ay dhacayeen iyagoo qaylinaya.

Markaasi ayaan cararay oo aan garan waayay meel aan tago, waxaan la yaabay waxan dadka ku dhacay.  Maalintii labaad ayaan tareen ka raacay iyagoo dadkii magaalada wada dhinteen. Odayga Tossoto ayay soo gaadhay dhaawacyo iyo shucaaca oo diirka ka qaaday, waxaana dhintay qoyskiisa badankiisa, iyagoo gubtay. Waxaana u sheegay inay maalintaasi dadku u muuqdeen sidii wax wada waashay. Tossoto aya isna mar danbe u dhintay kansraka caloosha oo uu sababay shucaacii qunbuladu.

Leave a Reply