Af-xidhka Dadku Ay Afka Ku Xidhaan Oo La Ogaadey Inuu Badbaadin Karo Qofka.

0
726

Saynisyahanada jaamacadda California oo daraasad ka sameeyey faa’iidooyinka af-xidhka loogu talo galay in lagaga hortago xanuunka Covid-19 ee ay dadku xidhaan ayaa soo saaray natiijadda hordhaca ah ee daraasadaasi, waxaanay tilmaameen in ay jirto faa’iido weyn oo uu af-xidhku waqtigan u lee yahay dadka.

Khubarradan Saynisyahanada ah ee jaamacadda California ka socday ayaa tilmaamay in af-xidhku uu  yareeyo khatarta xanuunka COVID-19 iyo in si fudud qofka ugu dhaco, waxaanay khubarradani intaas ku dareen in  65% uu af-xidhku meesha ka saaro khatarta xanuunkan.

Khubarradan oo qoraal kooban ku daabacay wargeyska Daily Mail oo uu wargeyska Dawan qormadan kasoo xigtay ayaa sheegay  in qofku si fudud uga badbaadi karo xanuunkan marka uu xidho af-xidhkaas, madaama oo uu afka iyo sankaba xidhay, isla markaana aanay jirin meel kale oo  uu fayraskaasi qofka ka geli karaa jidhkiisa.

Khubarradani waxa ay cadeeyeen in ay jiraan laba siyaabood oo uu qofku si fudud ugu qaadi karo xanuunkan, kuwaas oo kala ah qofka oo dhibco candhuuf ahi afka u galaan ama hindhiso ka qaada  iyo qofka oo lagu qufaco , waxaanay intaas ku dareen in labadan hab ba uu ka hortegaayo af-xidhkaasi.

Khubarradan ayaa sidoo kale cadeeyey in afxidhku  aanu faa’iido u lahayn qofka caafimaadka qaba ee uu sidoo kale faa’iido u lee yahay qofka xanuunsanaaya laftiisa, waxaanay tilmaameen in uu qofka xanuunsanaaya ka ilaalinaayo in uu xanuunkaas si fidiyo, una gudbiyo dadka caafimadka qaba, , iyada oo Dr  Dean Bloomberg oo ka tirsan dhakhaatiirta  ku takhasusta xanuunada Infection-ku keeno iyo kuwa carruurta  ee ka hawlgala jaamacadda California usoo jeediyey dadweynaha caalamka in ay xidhaan Afka, si ay ula dagaalamaan xanuunka Covid-19, waxaanu afxidhka ku sheegay in uu yahay ka keliyaata ee lagula dagaalami karo xanuunkan , layskagana ilaalin karo.

Leave a Reply