Shirkadda Apple Oo Computer Ipad Ah Oo Cusub Soo Saartay Waqtigan Corona-ha Lagu Jiro.

0
931

Shirkadda Apple oo caan ku ahayd soo saarista Taleefanada Gacanta iyo sidoo kalena Computers-ka Labtoobyada loo yaqaano ayaa waqtigan oo lagu jiro xiliga adag ee uu dunnida saameeyey xanuunka Corona waxa ay soo saartay Computer Ipad ah oo  cusub, kuwaas oo ka duwan mobiles-kii iyo labtobs-kii hore ay usoo saari jirtay.

Shirkadda ayaa bishii March ee ina dhaaftay soo saartay Computer-keeda cusub ee lagu magacaabo Ip Pro, kaas oo ay ku shubtay ama ay ku jiraan waxyaalo kala duwan, isla markaana ay isticmaali karaan carruurta iyo dadka waweyn labaduba, waxaana lagu shubay Computer-kan yar oo sida Ipad-ka loo sameeyey ciyaaro kala duwan oo lagu mededaalan karo inta guryaha layskaga jiro.

Computer-kan yar ayaa wadamo badan oo caalamka ah habab kala duwan lagu gaadhsiiyey tijaabadiisa, iyada oo loogu talo galay in lagaga baxo waqtigan Corona caalamka ka jiro, iyada oo ay shaqaale badani guryaha ku shaqaynayaan, sidoo kalena arday badan oo habka Online-ka ah wax ku bartaana ay si wanaagsan uga faa’iidaysan karayaan, iyada oo waqtigan caalamka in badan oo kamid ahi ku jiraan Bandow Caafimaad, waxaanay khubarrada shirkaddu tilmaameen in Computerkan lasoo saaray xiligii loo baahnaa.

Computer-kan  yar ayaa u samaysan laba qaybood, kaas oo mid kamid ahi yahay Computer caadi ah, halka ka kalena yahay mid habka Ipad-ka loo sameeyey, iyada oo waxyaalaha ku jiraana ay yihiin  kuwo aan wax badan ku kala duwanayn.

Ipad Pro oo ah computer-kan sida Ipad ka u samaysan ayaa leh Keyboard  si gaar ah loo qaadanaayo oo aan ku xidhnayn, waxaanu u samaysan yahay habkii uu hore ugu samaysnaan jiray, laakiin waxa ka duwan waxyaalaha ku jira iyo sidoo kalena muqaalkiisa oo hab soo jiidasho leh loo sameeyey, waxaana lagu xidhay muraayad ka balaadhan, kana  saafisan muraayaddaha Ipads-ka kale, iyada oo marka loo baahdona loo isticmaalaayo habka Mobile-ka oo kale, waana mid aad u dhumuc yar oo si fudud loo qaadan karo.

Qaybaha waxa badan laga bedelay ayaa ah qaybta dambe, waxaana lagu sameeyey kamarado kala duwan iyo Khashaafad weyn oo laydhkeedu sawirka Faa’iido badan u lee yahay, waxaanu si weyn ula mid yahay taleefanka shirkadda ee Iphone 11 Pro.

Waxa wax lagagala bixi karaa, isla markaana lagu dabayn karaa xadhiga USP-ga oo labada dhinac ba loo isticmaali karo, waxa uu sidoo kale lee yahay Karad hore , sidoo kale waxa uu lee yahay qayb amaanka ah oo wejiga in ay aqoonsato loogu talo galay, laguna magacaabo Faceb ID.

Waxa uu sidoo kale Ip-kan yari lee yahay qayb lagu hagaajin karo sawiradda gacanta, isla markaana  lagu samayn karo laguna hagaajin karo Muqaaladda lasoo duubo, iyada oo labada kamaradood Ee Ipad-kan yar ku yaalla ay yihiin kuwo habab kala duwan sawiradda u qaadaaya, waxaana intaas u dheer kamarada dambe oo muqaalo saafi ah duubi karta, isaga oo sidoo kale Ipad-kani wata Keyboard lagu xidhaayo, qalin lagu sawiri karo sawiradda gacanta, waxna lagu saxeexi karo, waxaanu dhowaan suuqyadda kusoo geli doonaa Ipad-kani lacag ku dhow 300 oo Dollar.

Leave a Reply