Kooxaha Computers-ka Jabsada Oo Noqday Kuwo Caalamka Kusoo Badanaaya.

0
687

Bishii May ee sannadkii 2017-kii waxa si weyn caalamka caan uga noqday  Markoos Hatshanis , isaga oo noqday geesi heer caalami ah, kadib markii uu ka guulaystay Fayras lagu weeraray Computers-ka goobaha caafimaadka ee caalamiga ah, iyada oo Fayraskaas lagu weeraray 230 Computer  , kuwaas oo ay isticmaalayeen Dhakhtarada 99 dawladdood oo caalamka ah, iyada oo baadhitaan lagu sameeyey lagu ogaadey in ay weerarkaas soo qaadeen Huckers-ka lagu magacaabo Shaado Blockers , kuwaas oo muddo sannad  laga joogona weerar noocan ah kusoo qaaday qalabka wakaaladda amniga Maraykanka ee NSA.

Markoos waxa uu digniino udiray goobo badan oo caafimaad iyo dad badan oo shaqaalihii caafimaadka ee goobahaas kamid ah, iyada oo qof kasta oo xogtiisa la helo ay kooxdaas Huckers-ka ahi weydiisanayeen in uu bixiyo 300 oo Dollar, si loogu soo celiyo waxyaalaha laga jabsaday .

Muddo saddex bilood ah ka dib waxa lasoo qabtay Hatshanis, iyada oo lagu tuhmay in uu hore u diyaarinaayey sannado ka hor Barnaamijyo kale oo  shirkaddo lagaga dhacay lacago badan, sidoo kalena wax lagaga bedelay kaadhadh kuwa lacagta ah.

Caalmaka dadka wax baadha maanta waxa ay noqdeen kuwo beegsada goobo aan laga filayn, laakiin difaacan uu difaacay Hatshanis ayaa ah mid ilaa yaraantiisii kasoo bilaabmay, waxa uu bilaabay in uu barto Barnaamijkan iyo cilmiga Computer-ka isaga oo toban sanno jir ah, waxaanu Barnaamijkii ugu horeeyey isku deyey in uu jabsado isaga oo saddex iyo toban sanno jir ah, isaga oo waqtigaas weeraro kala duwan ku qaadi jiray Computers kala duwan, waxaanu ka korodhsaday khibraddo badan, laakiin waqtiga uu da’daas ahaa way adkayd in uu dib u hagaajiso waxyaalaha uu kharibay, madaama oo aanu khibrad heerkaas gaadhsiisan lahayn, waxaanu ahaa mid ka digtoon oo ka fogaan jiray.

Bishii May  waxa lagu qaaday weeraro kala duwan saddex dawladood oo kala duwan, iyada oo mid kamid ah lagu jabsaday xogta dad gaadhaaya 40 Milyan  oo qof , kuwaas oo isticmaalaayey Barnaamijka Wishbone,iyada oo laga jabsaday lambaradii taleefanadooda iyo ciwaanadii Emails-kooda.

70% kamid ah dadka isticmaalaayey adeegan ayaa da’doodu ka yarayd 18 sanno jir, intooda badanina waxay ahaayeen hablo,markii ay kooxahani xogtan jabsadeena waxay ku baahiyeen Internet-ka.

Muddo bil ah ka dib kooxo Huckers ah oo u dhashay Ukrain ayaa suuqyadda ku iibinaayey Passwords aad u badan  iyo Akoono ay dad ku lahaayeen Kaadhka Pay pal, muddo kadibna koox u dhalatay dalka Islofaakiya ayaa weeraray bogag ay lee yihiin shirkaddaha Ciyaaraha Games-ka soo saaraa, iyaga oo khal khaliyey, waxaanay saameeyeen hal milyan oo Computer oo ay shirkaddahani lahaayeen, waxa sidoo kale la jabsaday sannadkii ina dhaafay Computers-ka saxafiyiin Shiinaha u dhashay iyo kooxaha u dhaq dhaqaaqa Muslimiinta Igoorka Shiinaha, iyada oo sidoo kalena la jabsaday Computers-ka 34 shirkaddood oo shirkaddaha waaweyn ah oo ay kamid tahay shirkadda Google, iyada oo sidoo kalena la jabsaday xogta dawladda Thailand.

Waxa sare u kacay weerarada Computers-ka iyo xogta dadka lagu hayo, taasina waxay keentay in la sameeyo kooxo kale oo difaaca, iyada oo ay kooxahani ka shaqaynayaan ilaalinta Computers-ka , Shabakadaha shirkaddaha iyo Mobiles-ka dadka, iyada oo khubarro badan oo kala duwani ikhtiraaceen nidamyo difaac oo adag, iyada oo khubarradan ay ku jiraan dad iyaga oo yar yar hawlahan soo galay.

 

 

Leave a Reply