Waalidka Oo Ka Raysan Doona Inay Carruurtooda Yar Yar Habeen Badhka U Kacaan Maray Ooyaan.

0
527

Shirkadda Tech Company ee ku taalla  San Francisco oo Maraykanka ah ayaa soo saartay sariir yar oo carruurta loogu talo galay, taas oo loo sameeyey habka xoolka oo kale , waxaanay sarartani aamusiinaysaa ilmaha yar marka uu ooyo, iyada oo aanay waalidku u kacayn ,isla markaana aan loo baahanayn cid dib u seexisa.

Xoolkan yar ayaa si iskii ah isku ruxaaya marka uu ilmaha yari  kaco, isla markaana uu ooyo, taas oo suurto gelinaysa in ilmaha yari hurdada dib ugu noqdo, dibna u seexdo , sida lagu daabacay wargeyska Daily Mail oo uu wargeyska Dawan qormadan kasoo xigtay.

Xoolkan yar oo lagu magacaabo Cradlewise ayaa lagu xidhay qalab dareemaaya markasta oo ilmaha yari kaco, isla markaana uu ooyo, waxa sidoo kale ku xidhan microphone yar oo ay heesho iyo codka carruurtu jecel yihiin ku duuban yihiin, kaas oo markasta oo ilmuhu ooyo bilaabaaya in uu heesahaas iyo codadkaas yar yar u shido , si uu u aamusiiyo ilmaha yar.

Waalidka ayaa marwalba taleefankooda gacanta kala socon kara dhaq dhaqaaqa Xoolkan, iyaga oo dabaynaaya, isla markaana baytariga ku jira u buuxinaaya, waxaana dabkiisa laftiisa kala socon karaan Mobile-ka gacanta ee Hooyada iyo Aabahaba, waxa sidoo kale xoolkan yar lagu rakibi karaa Kamarad u suurtogelinaysa in uu waalidku la socdo dhaq dhaqaaqa ilmahooda.

Mobile-ka ayaa App loogu shubayaa Xoolkan , waxaanu  App-kani awood u lee yahay in uu duubo dhaq dhaqaaqyadii uu ilmaha yari sameeyey habeenkaas, kuwaas oo ay waalidku subaxdii dib u daawan karaan.

Xoolkan yar ayaa suuqyadda soo geli doona bisha September ee fooda inagu soo haysa, iyada oo la filaayo in la siiyo lacag dhan $1,499 Dollar.

Leave a Reply