Gudoomiyaha Golaha Wakiiladda oo Caddeeyay in la  Ansixinayo Xeerka Kootada Haweenka iyo Beelaha la Hayb-sooco

0
644
Gudoomiye ku xigeenka dalada isku xidhka haweenka Somaliland ee Nagaad/xuquuqda sawirka Wargeyska Dawan

Hargeysa (Dawan) Guddida qoondade golaha wakiiladda Somaliland ayaa kulan la qaatay urruradda haweenka u dhaq-dhaqaaqa iyo bulshada la hayb sooco ee Somaliland.

Kulankani ayaa intii uu socday waxaa dhinacyadu kaga wada hadleen arrimaha doorashooyinka eek u saabsan kootadii haweenka iyo beelaha laga tiradda badan yahay, waxaana kulankani goob joog ka ahaa gudoomiyaha golaha wakiiladda Somaliland mudane Baashe Maxamed Faarax.

Xildhibaan  Ibraahim Mahdi Buuba kana mida guddida qoondada ee golaha wakiilada ayaa sheegay in gudoomiye Baashe hortooda ka caddeeyay kootadda haweenka iyo beelaha la hayb sooco, in kuraasta baarlamaanka iyo deegaanka ee doorashooyinka inagu soo fooda leh in la ansixin doono, islamarkaana xeerkooda la soo hor dhigi doono furitaanka Kal-fadhiga 43-aad ee golahaasi oo furmi doona maalinta Sabtida ee todobaadka fooda inagu soo haya, hadii ILLAAHEY yidhaaho.

Gudoomiye ku xigeenka dalada isku xidhka haweenka Somaliland ee Nagaad/xuquuqda sawirka Wargeyska Dawan

 

Leave a Reply