Hargeysa- (Dawan) Xukuumadda Somaliland ayaa Sheegtay in gacanta lagu soo dhigay Gacan ku dhiigle Jaamac Saleebaan Maxamuud oo hore dil ugu gaystay deegaanka fadhigaab ee ka tirsan degmada Ceelafwayn.
Wasiirka Wasaarada Arimaha Gudaha Somaliland , Maxamed Kaahin Axmed oo Shalay Warbahinta la hadlay ayaa Sheegay in Ciidamada Qaranka gacanta ku soo dhigeen gacan ku dhiiglihii dilkii ugu horeeyay ka gaystay deegaanka fadhigaab, waxaana uu u mahadnaqay beesha uu ka soo jeedo oo gacan wayn ka gaysatay in la soo qabto.
Maxamed Kaahin Axmed oo ar rimahaasi ka hadlayayna waxa uu yidh “Waxa muddo doora u joogeen halkan sanaag u joogeeen golaha Wasiirada arrintii ka dhacday Magaalada Fadhigaab oo dhimasho iyo dhaawacba sababtay xalinteedii ayaan halkan u joognay,waxaana in muddo ah lagu mashquulsanaaa in la soo qabto gacan ku dhiig lihii falkii ugu horeeyay gaystay oo sababay in colaadaasi halkaas ka dhacdo Xukuumaddu mudadaasba gacanta ayaa ku haysay hawshaana waa lagu dabo jiray,”.
Maxamed Kaahin Axmed oo hadalkiisa sii wataa waxa uu yidhi “Waxan halkan ka Cadaynaynaa in la soo qabtay gacan ku dhiiglihi falkii ugu horeeyay gaystay Beesha uu ka dhashayna qaybteeda ayay ka qaadatay,waxaana soo qabtay Ciidamada Qaranka ee fadhigoodu yahay Magaalada Fadhigaab wax khasaare ah oo ka dhacay soo qabashadiisa majirto,waxaana aan u mahadnaqaynaa Jiif Caaqilka Beesha soo qabatay oo qayb wayn ka gaystay soo qabashadiisa labada dhinacna waxa aanu ugu baaqaynaa in Nabedgalyada adkeeyaan cid walibana usoo diyaar garawda waxa ay Sheeganayso,”.