Mucjisada Ceelka Biyoodka Waqfiga Ah!

0
687

Ka dib markii muslimiintu u haajireen magaalada Madiina waxa aad u kordhay tiradooda taasi oo keentay inay badato baahida ay u qabaan biyaha, ceelka lagu magacaabi jiray Bi’ru Room ayaa ahaa kan ugu weyn, ee looga qaybiyo biyaha Magaalada Madiina.

Haddaba ceelkan waxa lahaa nin Yuhuudi ah kaasi oo iibin jiray biyaha xataa hal kabo keliya. Markii uu arinkaasi ogaaday Cismaan Binu Cafaan (rc) wuxu u tegay ninkii Yuhuudiga ahaa isagoo ka codsday inuu ka iibiyo ceelkaasi, ninka Yuhuudiga ah ayaa diiday  inuu iibiyo ceelkiisa, laakiin Cismaan Binu Cafaan (Rc) wuxu ka codsaday  inuu haddaba ka iibiyo qayb ka mid ah ceelka, taasi oo ah in maalina uu isagu yeesho maalinka kale Yuhuudigu yeesho oo uu biyihiisa iibsado.

 

Waxaana ay ku heshiiyeen in Cismaan Binu Cafaan uu badh yeesho isla markaana uu sicirka biyaha kordhin karo.

Markii ceelkii uu la wareegay Sayid Cismaan Binu Cafaan qaybtiisa waxa yaraaday baahidii biyaha, iyadoo markii danbe ay is taageen in biyo la iibsado.

Ninkii Yuhuudiga ahaa ayaa aad u yaabay waxaana uu baadhay sababta, isagoo ogaaday in Cismaan Binu Cafaan maalintiisa aanu biyaha dadka ka iibin ee uu bilaash u siiyo, taasna ay keentay in dadka oo dhami ay yimaaddaan maalinta Cismaan, oo aanay iman maalinta Yuhuudiga. Wuxu dareemay khasaaraha ku dhacay waxaana uu u tegay Cismaan Binu Cafaan (Rc) isagoo weydiistay inuu ka iibsan karo badhka hadhay ee ceelka  oo uu isagu wada yeesho?

Cismaan Binu Cafaan ayaa ogolaaday inuu ka iibsado qaybta hadhay ceelka waxaana uu ka siistay 20 kun Dirham, maalintaasi ayuu Cismaan Binu Cafaan ka dhigay  ceel waqaf ah oo ay ka cabaan muslimiintu oo aan haba yaraatee laga bixin waxa lacag ah.

Maalin danbe ayuu Cismaan uu yimi nin saxaabadii ka mid ahi oo weydiistay inuu  ka iibiyo ceelka kana siiyo qiimihii laga siiyay laban laabkii.

Cismaan (rc) ayaa ku yidhi , ka kordhi.. Waxaana uu ku yidhi waan saddex jibaaray. Saxaabigaasi wuu kordhinayay qiimaha ceelka ilaa uu gaadhsiiyay 9 jibaar intii laga siiyay Cismaan Binu Cafaan. Laakiin wuu diiday Cismaan Binu Cafaan.

Saxaabiga ayaa ku yidhi heli maysid qiimahayga mid ka badan, yaa ka siisanaya mid qiimahayga ka badan? Waxaana uu ugu jawaabay Allah (sw), ! wanaag kasta wuxu iga siinayaa 10 la mid ah.

Sayid Cismaan Binu Cafaan (rc) ceelkan wuxu waqfi iyo bilaash uga dhigay muslimiintu inay ku cabaan biyihiisa. Waxa ceelka agagaarkiisa ka soo baxay Timir, taasi oo ay dawladdii Cismaaniyiintu ilaalisay ilaa ay weynaatay oo badatay.

Markii dawladda Sacuuudigu timi iyaduna sidaasi ayay u daryeeshay geedaha Timirta ah, ilaa ay gaadheen 1550 geed.  Dawladda Sacuudiga waxa wakiil uga ah wasaaradda beeraha taasi oo Timirta badhna suuqyada ka iibisa, lacagta ka soo baxda badhkeed waxa la siiya agoonta iyo masaakiinta, badhka hadhayna waxa la dhigaa baanka iyadoo lagu shubo account looga furay oo lagu magacaabo Cismaan Binu Cafaan, kaasi oo ay masuul ka tahay wasaaradda Awqaafta. Lacagtaasi ayaa lagu iibiyay dhul u dhow Masaajidka Nebiga (scw)

Muddo ka dibna waxa halkaasi lagaga dhisay lacagtii Cimaaradda Huteel weyn kaasi oo lagu qiyaaso in sanadkii ay ka soo xerooto lacag dhan 50 malyuun Sacuudi ah. Lacagaha dakhliga ee ka soo baxay ayaa loogu talo galay in badhkood la siiyo agoonta  iyo masaakiinta iyadoo qaybta kalena lagu kaydiyo accountka Cismaan Binu Cafaan (rc). Waxaana yaab noqotay in dhulkaasi ku diiwaan gashan yahay magaca deegaanka Cismaan Binu Cafaan. Kaasi waa ganacsi lala galay Allah (sw) oo bilaabmay soona socday 14 Qarni welina socda, bal qiyaas abaal marintaasi….  Source: Ramadan2.com

 

Leave a Reply