Riyadeydii !!

0
814

Waxay ahayd galab aad u qurxoon oo aad iiga duwanayd galbihii aan horey uso maray, jawigu wuxu ahaa mid aad u wanagsan, oo dhexdhexaad ah inkastoo marka cadceeddu sii gaabatana heerkulku qabaw sii noqanayay, waxaa dhacaysa laydh aad u macaan iyo neecaw raaxo leh, neecawdaas waxay siddaa ur aad udgoon oo aad sanka la raacayso, waa udgoonka cosobka iyo maadha cusub ee uu soo saaray roobkii maalmahanba da’ayey. Waa run maanta jawigu ma roobbana, hayeeshee cirka waxa ku yaalla daruuro yar oo aad mooddo in qaab farshaxan ah cirka loogu xardhay kuwaas oo caddaanka aad mooddo xaydh riyaad. Marka aad indhaha xaga sare la yara raacdo waxa aad arkaysa shimbiro kala nooc ah oo mid weliba luuqdeeda gaarka ah ku heesayso kuwaas oo dhirta hareerahaaga ah guudkooda marba geed koraya oo kolba dhinac isu eryanaya.

Waa dhawaaqyo dhegaha iyo qulubtaba u raaxaynaya oo aad jeclaysanayso lasii jooggooda. Waa muusiga dabiiciga ah ee koonkan yaalla waana mid aanad ka daalayn.

Marka aad hareerahaga si niyad samaan ah ugu fiirisatid waxaad arkaysa nolosha dabiiciga ah ee ka jirta mesha aad joogto. Waa dhul tigaadda iyo dooggu is qabsadeen oo laydha dhacaysa marba dhinac u seexinayso doogga.

Waxa ku yaalla geed gaabyo badan oo aad hal ama laba ka magaacaabi karto kuwaas oo mid ba quruxdisa gaarka ah leeyahay.

Haa, oo dhaman ma wada sheegi kartid waayo horeba umaad arkin magacoodana maadan maqal, sababtoo ah ma aha qaar la mid ah dhirtii ka bixi jirtay magaaladi aad ku dhalatay.
Waxaan u dhashay dabeecadda ah inaan jecelahay waxyaalaha dabiiciga ah sida dhirta, shimbiraha iyo meelaha biyaha leh sida webiyada, badaha iyo harooyinka. Waxaan in mudda ahba aan ku xabbisnaa noloshaa dabiiciga ah oo aanan arag. Waxaan ka daalay buug iyo qalin, kursi iyo miis, laptop iyo sabuurad, macalin iyo ardey. Buugaagtu waxay noqdeen waxa keliya ee igu weheliya qolka aan seexdo, waxaan nacay habeen iyo maalin qol buugaag uun dhexyaalaan.

Indhahaygu waxay u basaaseen nolosha dabiiciga.  Waxaan boholyow u qabaa inaan maruun ku noqdo waddankaygii si aan waqti ula soo qaato dadkii aan jeclaa oo dhan. Si aan usoo tamashleeyo cidhifyada dhulkaygii hooyo.

Meesha aan joogo lagama garto xabsi, waayo waxay igu noqotay xabsi iga ilaaliyay waxyaalo badan oo aan jeclaa. Waxaan jeclaa dhageysigaga muusiga dabacsan ama giitaarka gacanta lagu garaaco ama kamanka.

Meshan aan joogo waxaa lagama yaqaano, balse markaan qolkayga keli ku ahay si qarsoodi ah ayan mararka qaar u dhageystaa.
Waxaan dhageystaa heesihii hore ee dadkayga anigoo iska ilaalinaya kormeerka jaamacadda, macaliminta iyo ardeydaba inay ogaadaan wax aan sameynayo ama waxa aan dhageysanayo. Haa, runtii inbadan ayaan sugayay maalinkan oo kale, inbadan ayaan naawilayay inaan malin un dabadda u baxo aan nolosha dabiiciga ee degaankan ka jirta aan soo daawado.

Runtii maanta wey iiga duweyntahay maalmihi hore oo dhan, maalmihii hore waxan ku ladhay magaca ah maalmihii madoobaa ee xabsiga, maanta waa maalin qiimo weyn ii leh.
Waa maalin farxadeyda aan loo helayn wax lagu cabbiro ama lagu qiyaaso intay leegtahay. Hadda waanigan oo waxaan dul fadhiyaa webi aad u quruxbadan. Waanigan oo waxaan waqti la qaadanaya dhirta iyo shimbiraha webiga ka ag dhaw. Waanigaas oo codadki dabiiciga aha ee shimbiraha ee ay dhagahaygu ku raaxaysan jireen ayaan mantaba maqlayaa. Runtii Ilaahay inbadan ayan u mahadcelinaya manta, maaddama aan helay fursad aan inbadan naawilayay inaan helo.

Waxaan fadhiyaa webiga guudkiisa cagaha ayan kula jiraa biyaha webiga. Waxaan la ciyaaraya xuurta biyaha korkiisa joogta. Alla quruxbadana oo indhaha u roonaa yaan cidleyn oo ilaa waligeed iskala jooga. Waxaan gacanta midig ku hayaa dhagax yar yar oo qururux ah oo aan marba mid biyaha ku dhex tuurayo. Waxaan aad u eegaya biyaha mesha aan dhagaxa kaga dhufto mawjadaha biyuhu sidey u kala yaacayan. Dhagaxu wuxu awood ku dhaqaajinaya biyo korka ka xarfanaya oo laydhu yara dhaqajinayso marba.

Waxaan iga maqan maanta ma jiraan aan ahayn dadki aan jeclaa, hooyaday, walaaladay, asxaabtaydii iyo qofkii aan koonkan ka jeclaaday ee aan rabo inaan nolosha la qaybsado. Haa waa qofkii aan koonkan ka doortay dadkana iilama mid aha. Barkhad waa wiilka aan ragga adduunka ka doortay, waa qofka i dhiirri geliya i garab taagan markasta, i ixtiraama. Xabsiga aan muddada sanadka ah aan joogo waa qofka kaliya ee igu haya sii joogisteda, waayo waa qofka jecel inaan waxbarto oon horumar gaadho.

Waa run ilama joogo muuddo sanad ku dhawna ismaanu arag, balse habeen walba waxan ku seexdaa codkiisa dhiiri gelinta iyo jacaylku ku dheehanyahay. Waxaan is dhahaa mararka qaar qofkaa nasiib wanagsan ma jiro adduunkan maadama aad haysato barkhad oo adduunka kugu jecel. Fiicnaan lahaydaa maanta adoo ila jooga meshaan jawiga wacan leh. Mawjadihii biyaha ee aan fiirinayay waxay i galiyeen mawjado kale oo tammani ah. Maanta wad nasiib wanagsanthy waxaad la joogtaa barkhad waxaad ku nooshihiin hal guri.

Haa adiga iyo barkhad isku guri ayaad ku nooshihiin. Tolow maxaa isku guri idinku noolaysiiyay, miyaad is guursateen, mooji! Kolley sidaas bey u dhawdahay. Waadigan maqlaya dhawaaqa awlaadii jacaylkiina ka beerantay, maamo, maamo. Tolow ma wiil baa mise waa gabadh, mooji! , waxaad haysataa farxad dhamaystiran. Waxaa kaa dhacaya mahadnaq, allow noogu wad iyo allow isku kaaya daa ayaad ku celcelinaysaa. Barkhad iyo adiga iyo labadiinii caruur ahaa weydinkaa tamashleyn ugu baxay dalkiinii hooyo iyo Hargeisa.

Adigoo jawigaa farxadda leh iskaga naaloonaya oo aan jeclaysanayn inaad kasoo baxdo noloshaa macaan sawtaan inkaar qabto sawt afrikaan ahi intay garabkaa kaa dhirbaaxday waxaan ingiriisi iyo carabi toonna ahayn ina keen waa la tagaaye uun ku tidhi allaa yaa ku dila haddaba. Alla ciil iyo cadho weynaa. Sawnigan is arkay uun anoo mawjadihi biyaha ee aan eegayay mawjado kale i galiyeen. Maxaad samayn de, waanigaa iska soo daba galay de.

Shaw meesha maanta cilmi baadhis baan u nimid. Intaan anna Halkan fadhiyay ee aan iska maalin riyoonayay qorraxduna wey sii faano guranaysay oo godkeediibay iriddiisa taagantahay ba. Haddaad doonto iska hoyo qorraxey haddad dontana caawa dhan joog halkaa, kolley anba cawa xumadeyda xabsigiibaan ku laabanayaaye ayan ku macasalaameyay qoraxdii, anoo cago jiidaya ayaan soo raacay gaadhigii ardeyda iyo macalimintu saarnaayeen.
Waaniganoo haddaba waxaan dhex joogaa afartii gidaar ee buugtu ka dhex buuxeen. Hortayda waxaa yaalla buug soo xaashiyo cad, qalinkiina farahayga ayuu ku lammaanyahay.

W/Q: Asma Abdirahman.

Email: hodancadey8888@gmail.com

Leave a Reply