Xorriyadda Dhabta Dumarka

0
655

Waayadii casri jaahiliga ( Islaamka ka hor) qofka dumarka ahi qabaa’ilka Carbeed waxa ay u arki jireen waxaan qiimo lahayn oo way quudhsan jireen, iyagoo aaminsanaa in aanay colaada iyo dagaalada waxba ka tarayn, haddii ay gabadhi u dhalanto waa ay aasi jireen iyadoo nool. Waxa kale oo iyana ay si khariban ula dhaqmi jireen islaanta gabowda oo aan wax sharaf ah lahaan jirin bulshada dhexdeeda, Hablaha gashaantimaha ahna waxay ku khasbi  jireen in ay jidhkooda ka ganacsadaan, si ay reerka dhaqaale ugu soo hesho.

Dhinaca dhaxalka xaq uma lahayn qofka dumri in wax laga siiyo dhaxalka, ninkeedana wax xuquuq iyo tix gelin ah kumay lahayn, inta jeer ee ay gabadhu furmaysaana ma lahayn tiro go’an iyo xad uu ku joogsado. Sidoo kale Dumarka guurkooduna isna ma lahayn tiro iyo xad go’an oo uu ku joogsado , ninkuna intii kolba uu rabo ayuu guursan jiray,  Waxa kale oo aanay xaq u lahayn inay iyadu doorato ninka ay guursanayso iyadoo weliba aan xuquuq ku lahayn ninka guursada.

Haddii Aabuhu dhinto oo gabadh iyo carruur bah kale jirto, wiilka u weyn ayaa guursan jiray gabadha aan hooyadii ahayn isagoo u arkaya dhaxalkii aabihii, oo ay la mid tahay xoolaha kale ee ka tegay.  Taariikhdu waxa ay cadaysay in Giriigu ay gabadha xaqiri jireen oo u arkayeen waxaan qiimo lahayn oo aad u hooseya, waxaana ay iyaguna ku kala iibsan jireen suuqyada, oo xataa ninku uu ninku uu xaq u lahaa inuu iibiyo gabadhiisa haddii uu u baahado,

Islaamku gabadha waxa uu gaadhsiiyay meel sare markii uu soo baxay ilaa ay noqdeen boqorado guryahooda ku asturan.  Hadday dhibaato haystay dumarka waayadaasi, maanta waxa jira goobo ay dhib kuwaasi ka badan haystaan.  Dalka Thailand Qabiilo degan oo sanamda caabuda ayaa aaminsan  in sanamadooda ay u qalaan sanad kasta gabadh yar oo 14 jir ah oo weliba ah mid qurux badan. Arinkaasi ayay sameeyaan maalin ka mid ah sanadka iyagoo qurbaan uga dhigaya Sanamadooda.

Dalka Indoniisiya qabaa’ilka Patak ayaa dhaqan iyo caado iyaguna u leh inay dumarkooda u diraan dhamaan shaqooyinka oo dhan halka raguna ay iska fadhiyaan oo ku sheekaystaan guryaha, sigaarka kuna cabayaan, iyagoo u arka inay ka hooseeyaan oo aanay xaq u lahayn in iyaga loo sheqeeyo.  Xaqa uu islaamku siiyay gabadha ma jiro mid ka xeel dheer oo ka ballaadhan.

 

Leave a Reply