Wasiirka Warfaafinta iyo Wakiilka Dawladda Uk u Qaabilsan Somaliland oo ka wada hadlay Tefeshannimo la Xidhay

0
482

Hargeysa-(Dawan)-Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta dhaqanka iyo wacyi-gelinta Jamhuuriyadda Somaliland mudane Saleebaan Yuusuf Cali Koore ayaa Xafiiskiisa kulan kula yeeshay wakiilka dawladda Ingiriiska u qaabilsan dawladda Somaliland MR Stuart Brown.

 

Kulankan oo ay warbaahintu dibed joog ka aheyd intii uu socdey waxa warbaahinta qaranka xog-waran ka siiyay, Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta Dhaqanka iyo Wecyi-gelinta Jamhuuriyadda Somaliland mudane Saleebaan Yuusuf Cali Koore waxuuna uu sheegay inay dawladda Ingiriiska ay ka wada hadleen xeerka saxaafadda Somaliland.

 

“waxanu ka wada hadalnay xeerka saxaafadda iyo telefashinadii la xidhay oo xagayaga aanu xog buuxda ka siinay sida ay dawladda Somaliland caanka ugu tahay telefashinada, Wargeysyada iyo Mareeg balse annay ahayn kuwa ku degdegaya xadhigooda, waxa aanu u cadaynay saddex qodob oo kala ah Madaxbanaanida, ammaanka iyo Sumacada Qaranka oo aan la aqbalayn cid wax u dhinta” ayuu yidhi

 

 

Leave a Reply