Goorma Ayay Shinidu Wax Qaniinta?!

0
1221

Inkast oo ay dad badani og yihiin in Shinadu dhimato ka dib marka ay qaniinto qofka, haddana badankood ma garanayaan sababta.  Sida Khubarada nooluhu cadaysay Shinada Micideedu ayaa ku xidhan  jidhkeeda iyo caloosheeda, halkaasi oo weliba uu ku sii jiro kiishka sunta ah ee ay ku dagaalanto.

Shinida ayaa og inay qaniinyada ka dib dhimanayso sidaas darteedna waxa keliya ee ay u adeegsataa malabka inay kaga ilaaliso noolaha lafta leh iyo Shimbiraha naaslayda ah.

Waxa kale khubaradu cadeeyeen hadii shinidu ku qaniinto cayayaanka kale ee aan lafta lahayn micideedu kama soo baxayso, wax dhibaato ahina ma gaadhayaan. Laakiin noolaha lafta leh waxay ku reebtaa Micida taasi oo ku keenta barar iyo xanuun, mararka qaarkoodna dhimasho haddii ay qofka ku badato sunta.

Shinida  ayaa ka fogaata wax kasta caqabad ku noqonaya  hawsheeda soo saarista malabka. Sidoo kale kuma degdegto inay wax qaniinto ilaa ay nafteeda u baqato. Shinadu waxay leedahay unugyada dareenka ee ilaalinta kuwaasi oo ku xidhan micida una diyaar ah difaac mar kasta oo ay cabsiyi ku timaado. Wakhtigaasi oo ay ku dhaqaaqdo hawlgalka qaniinyada difaaca ah.   Waxaana lagu magacaaba hawlgalka dhimishada Shinida.

 

Leave a Reply