Madaxweynaha Somaliland oo ka Hadlay Ciidanka Loo Samaynayo Ilaalinta Badda Cas

0
584

 

Hargeysa-(Dawan)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa sheegay in Dawlad ahaan aanay marna ogolaan doonin ciidamada loo samaynayo ilaalinta badda cas haddii aanay qayb ka ahay ciidanka badda Somaliland.

 

Madaxweyne, Muuse Biixi Cabdi oo ka hadlaayey munaasibad tababar loogu soo xidhay dufcaddii 32-aad ee katirsan ciidamada kala duwan dalka oo ka qalin-jebisa dugsiga tababarka ciidanka Mandheera ee Lixle ayaa sheegay in Somaliland aanay cidna ku metelin badda Cas. “Cidna naguma metesho badda Cas, dawladdaha yidhi badda cas waxaanu u samaynayaa ciidan difaaca  ee sideeda dawladood ah waxaanu cod dheer u sheegaynaa baddayada iyo berigayaga annaga difaacana cid aan gala tashana imaan mayso , kana yeeli mayno . mana nihin dad ku baqanaaya cid baa xoog weyn iyo taangi buu wataa, waayo horaan taangiyo u furanay” ayuu yidhi

 

 

 

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa u sheegay beesha caalamka iyo waddamada deriska in ay diyaar u yihiin in ay nabad ku wada nooladaan , waxana uu yidhi “Waxaanu sheegay Caalamka iyo Waddamada Jaarkayaga in aanu nahay dad aaminsan oo ku dhaqma nabada,  waddamada dariska oo dhan waxa aanu fidinaynaa gacan nabadeed.  Haddii aanu is qabano in aan wax ku xalino wada hadal waayo waxa aanu nahay dad waayo arag ah oo kasoo daalay dagaal iyo qax umana baahnin in aniga iyo kuwa naga danbeeya toona ay dagaal galaan”

 

Madaxweyne Biixi ayaa sheegay in Somaliland ay la shaqaynayso waddan walba oo ay ka dhex aragto danaheeda siyaasadeed, waxana uu yidhi  “hadaanu Somaliland nahay cid walba iyo waddan walba waxanu kala shaqaynaynaa dantayada iyo ta umaddayada qofkasta oo nala shaqaysanaya waxna nala qabsanaya diyaara ayaanu u nahay , annaga oo laba dawladdood oo siman ah ayaanu leenahay maxaanu kula qabanaa , cidna ka yaali mayno wax qarannimadayada wax u dhimaya “

Leave a Reply