Isu-duwaha Caafimaadka Sool Oo Daawooyin Gaadhsiiyay Deegaamo Ka Tirsan Gobolka Xaysimo

0
440

Taleex (Dawan): Isu-duwaha wasaaradda caafimaadka ee Somaliland ee gobolka Sool Maxamuud Xaaji Khaliif, ayaa ayaa maanta gaadhsiiyay deegaamo ka tirsan gobolka Xaysimo daawooyin iyo qalab kala duwan oo caafimaad gaadhsiiyay.

Isuduwaha oo ay wehelinayeen masuuliyiin ka tirsan wasaaradda caafimaadka ayaa socdaal ku soo maray deegaamo ka tirsan gobolka Xaysimo.

Deegaamadda uu isu-duwaha caafimaadka Sool daawooyinka iyo qalabka caafimaad gaadhsiiyay waxaa ka mid ah, Taleex, Carrooley iyo Go’daale.

Agabkan caafimaad  oo isugu jiray kuwa lagaga hor tago xanuunka Corona virus iyo noocyo kale, waxaa isu-duwaha ka gudoomay badhasaabka gobolka Xaysimo C/rashiid

Sidoo kale waxaa madashaasi joogay bahda caafimaadka gobolka Xaysimo, odayaal, waxgarad iyo dadweyne kale.  Kuwaasoo dhamaantoodba ka mahad celiyay qalabkan caafimaad ee la soo gadhsiiyay.

Daawo: Warkaasi:

Dawannews.com/Hargaysa Office.

Leave a Reply