Wefti Isugu Jira Masuuliyiin iyo Madax Dhaqameed Oo Gaadhay Saaxdheer

0
495

Saaxdheer (Dawan): Wefti isugu jira salaadiin, muqaal, isimo iyo siyaasiyiin ayaa maanta gaadhay deegaanka Saaxdheer ee gobolka Sool.
Weftigan oo isla maanta ka kicitimay magaaladda Laascaanood waxaa la socday badhasaabka gobolka Sool C/qani Maxamuud Jiidhe.

U jeedadda socdaalka ay xubnahan madax dhaqameedka iyo masuuliyiinta isugu jiraa ku tegeen Saaxdheer ayaa la xidhiidha sidii ay ugu bogaadin lahaayeen dadkii ka soo shaqeeyay nabadda ay qaateen laba beelood oo dhawaan deegaankaasi ku dagaalamay.

Sida uu sheegay guddoomiyaha gobolka Sool C/qani Maxamuud Jiidhe, oo qoraal kooban oo uu socdaalkaasi kaga hadlayo caawa ku baahiyay bartiisa Facebook.

“Waxaan maanta gaadhnay, deegaanka Saaxdheer Aniga iyo wefti ay ka mid yihiin isimo, cuqaal iyo Siyaasiyiin.

Waxaana halkaas nagu soo dhaweeyey Garaadka guud ee mandaqadda Garaad Jaamac Garaad Cali Garaad Jaamac”ayuu ku yidhi badhasaabku qoraalkiisa.

Badhasaabka oo faahfaahin ka bixinayay u jeedadda socdaalka ay Saaxdheer ku tegeen, waxa uu yidhi “Ujeedka safarkan ayaa ahaa bogaadinta isimadii kasoo shaqeeyay nabada beelaha Hagar iyo Hayaag.
Iyadoo Alle-Bari balaadhan oo Saaxdheer ka qabsoomay ay beesha reer Garaad Cali samaysay”.

Geesta kale badhsaabka Sool waxa uu sheegay in safarka ay Saacdheer ku tegeen ay u arkaan mid waajib ku ah in ay ka qayb galaan kulamadda noocaasi ah.

“Waa waajib ka qaybgalka iyo dhiirigellinta kulamadda noocan oo kele ah Rabbi na loogu mahad-naqayo nimcooyinka uu inoogu deeqay, ee Nabada iyo isku duubnidu koow ka yihiin”ayuu yidhi badhasaabka gobolka Sool.

Dawannews.com/Hargaysa Office.

Leave a Reply