Danjire Siciid Afqarshe oo farta ku fiiqay horumarka Siyaasadda Khaarajiga Somaliland

0
679

“Siyaasadda dibadu waxa ay ka bilaabantaa halka ay ku dhamaato siyaasadda guduhu”Amb. Siciid Maxamed Daahir Afqarshe

Qore. Saleeban Kalshaale

Hargeysa(Dawan)-Safiir ku-xigeenkii hore ee Safaaradda Somaliland ku leedahay dalka Kenya Siciid Maxamed Daahir Afqarshe, ayaa sheegay in horumar fiican iyo guullo muuqda JSL ka gaadhay siyaasadda arrimaha dibada intii uu talada hayey madaxweyne Muuse Biixi, waxaanu tilmaamay in wax lagu faanno oo la bogaadiyo ay tahay in qaar kamida wadamada ugu quwada weyn caalamku ku hirdamaan xidhiidhka ay la leeyihiin Somaliland.

Siciid Afqarshe oo intii uu jooggay Safaarada Kenya iyo ka horba howlo badan ka soo qabtay arrimaha dibada, xilligii uu safiirka ahaana xidhiidhka Somaliland iyo Kenya wax badan ka qabtay , sidoo kalena galaangal qoto dheer la sameeyey Dawladda Kenya, kana shaqeeyey kulan uu Madaxweynaha hadda talada haya ee Somaliland Muuse Biixi Cabdi uu la yeeshay isagoo guddoomiyaha Xisbiga Kulmiye ah, Wasiirka Arrimaha dibada Dalkaasi, waxa uu beyaamiyey in dabeysha siyaasaddeed ee socotaa ay weedhaaminayso aqoonsiga Somaliland.

“horta ilaahay wuxuu inagu abuuray meel istaraatiiji ah oo adduunka oo dhami baahan yahay, oo aynaan awal hore faham badan aynaan ka haysan. awal hore waxaynu murmi jirnay Puntland iyo maamullada yar yar ee Soomaaliya, maantana waxaynu murmaynaa Shiinaha, Ruushka, Masar iyo dawladdo la mida. Siyaasadduna kuma dhisna jacayl ee waxa ay ku faraysaa maxaynu iibinaynaa? Adduunka meeshii Nebi Aadan CSW ka tegay ayeynu ku noolnahay, markaa maanta ayuunbay kow inoo tahay siyaasadda iyo diblomaasiyadu”ayuu yidhi isagoo ka jawaabaya Su’aal wargeyska Dawan ka waydiiyey sida uu u arko dardarta cusub ee Siyaasadda arrimaha dibadu gashay muddooyinkan dambe.
Mar wax laga waydiiyey muhiimada ay Somaliland u leedahay xoojinta xidhiidhka ka dhexeeya wadamada Afrika, gaar ahaan wadamada bilihii u dambeeyey ku soo biiray qiimeynta qadiyada Jamhuuriyada Somaliland waxa uu sheegay “Caalamka siyaasaddu waa dan, marka dan lagaa yeesho ayaad adiguna dantaada meel marin kartaa, maanta waxaan u arkaa in Somaliland ay cagta saartay wadaddii guusha oo uu miiska saaran yahay aqoonsigii.

Danjire Afqarshe waxa uu tilmaamay in fursadaha diblomaasiyadeed ee ay Somaliland ka faa’idaysanayso, ay kamid tahay doorka ay ka ciyaarayso hirdanka wadamada Masar iyo Itoobiya, waxaanu sheegay “Iminka hargeysa waxa joogga wasiirro ka socda dawladda Itoobiya, Masarbaa hore inoogu timi oo inoo cabanaysa, xidhiidhka cusub ee Taiwan oo aad u muhiima oo aynu iska kaashanayno horumarka, Taiwan oo ah wadanka labaatanaad ee adduunka ugu dhaqaalaha badan Ruushka ayaa jira oo galaangal doonaya. Zambia, Gambia iyo wadamo badan oo kale ayaa ina danaynaya, Kenya ayaa ina baryeysa oo iyaduna inoo timi ma doonayno in aynu arrimaha badda kula gorgortano’e”.

Geesta kale, Su’aal laga waydiiyey arrimaha gudaha ee dalka iyo sida uu u arko natiijada wadahadalladii dhex maray Somaliland iyo Khaatumo oo uu ahaa qofkii ugu horeeyey ee ku dhiiraday ka shaqaynta wada-xaajoodka midho-dhalka fiican sameeyey ee ay wada yeesheen hogaamiyaha Khaatumo Cali Khaliif Galaydh iyo madaxweynihii hore Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo, waxa uu kaga jawaabay “Adduunka Siyaasadda dibadu waxa ay ka bilaabantaa halka ay ku dhamaato siyaasadda guduhu, markii aan ka shaqaynayey wasaaradda arrimaha dibada Safaaradda Nairobi, waxaan ahaa qofkii koowaad ee ka shaqeeyey in Somaliland iyo Khaatumo wadahadlaan ee ku dhiiraday, qofkii labaad ee igu taageeray wuxuu ahaa Xasan Embasy, waxa ay socotaba waxaan ku guulaysanay in laga wadahadlo wixii gudaha layskaga hayey. waxa kale oo aan ka shaqeeyey soo celinta xidhiidhka Somaliland iyo kenya.
Waxa loo baahan yahay in Somaliland qabiilka iyo qobqobka iska dayso oo dalka la wada yeesho, meel loo wada jeesto, wixii gudaha ee lagu kala duwan yahay amma la kala tabanayo layska qanciyo, sidii lixdankii loo qaldamay aan mar kale khalad u dhicin”

Dhanka kale, Siciid Maxamed Daahir Afqarshe, waxa uu xusay in Madaxweynaha hadda talada haya ee Somaliland Muuse Biixi Cabdi oo uu xilligii Olollaha Doorashada dadkii sida weyn ula shaqeeyey kamid ahaa uu yahay hogaamiye geesinimo iyo go’aan qaadasho leh, una maray siyaasadda dibada dariiq togan oo sir iyo sahamin leh.

“Siyaasadda diblomaasiyadu waxa loo baahan yahay in ay qarsoonaato oo aan cid waliba ogaan, Madaxweyne Muuse waa hogaamiye Geesi ah sidii loo baahnaa u waajahay arrimaha dibada, anigu waan la dhacsanahay sida ay wax u socdaan ee wanaagsan. Somaliland waxa ay leedahay taariikh badan oo ka markhaati ah jiritaankeeda iyo halgankii ay u soo martay xoriyada, waxa kamida Taariikhda Daraawiish oo aan ku bogaadinayo madaxweynuhu balanqaadkii uu sameeyey ee ahaa in la dhisayo dhismeyaashii Sayid Cabdile Xasan iyo Daraawiishtu degenayd, waxa kaloo kamida Taariikhda SNM oo daliil u ah halgankii dib-u-xoraynta dalka”.

Siyaasigan da’da yar, ayaa xilligii Olollaha Doorashada Madaxtinimada aad ula shaqeeyey madaxweyne Muuse Biixi Cabdi, isagoo kamid ahaa Siyaasiyiinta ka soo jeeda Gobolada Sool, Sanaag iyo Buuhoodle ee xisbiga Kulmiye u horseeday guulihii uu ka soo hooyey Doorashada goboladaasi.

Leave a Reply