Warbixin : Xaalada Adeeg bixinta cusbitaalka loogu Adeego Dadka Qabba Xanuunka Safmarka ah ee Covid-19

0
870
Sawirka Cisbitaalka Daryeel ee la Dhigo Dadka Qabba Xannuunka Covid-19

Qore Khadar M. Xaashi

Hargeysa (Dawan) Cisbitaalka Daryeel Daryeel ee magaalada Hargeysa, waxa uu gaar u yahay daaweynta iyo la tacaalista dadka uu soo rito xannuunka safmareenka ah ee Covid-19.

Waxaa cisbitaalkan habeen iyo maalin heegan ku ah dhakhaatiir iyo kal-kaaliyayaal caafimaad oo naftahooda u huray badbaadinta bulshadooda.

Dr. Xuseen Cabdillaahi Cali kana mida dhakhaatiirta naftooda u hibeeyay badbaadinta dadka uu soo ritay xannuunka adduunyada aadka ugu faafay ee Covid-19, ayaa sharaxay adeeg bixinta caafimaad ay u sameeyaan bukaanada xaruntaasi caafimaad yaalla “Bukaanada guud ee na soo gaadhay waa 85-qof waxaanay ahaayeen dad dhex dhexaada, boqolkiiba afartan waxaa ay ahaayeen kuwo u baahan Haama Naqaska in lagu xidho, bukaanada 85-ka ahaa shan ayaa cisbitaalka ku geeriyooday intii kale waa ay ka baxeen iyaga oo caafimaad qabba, marka laga reebo shan qof oo imika ku jira islamarkaana xaaladoodu aad u fiican tahay.

Adeeg kasta oo cisbitaalkani lagu bixiyaana dowladda ayaa kafaalo qaaday oo waa bilaash, waxaana laga yaaba qofku inuu isticmaalo Haanta Naqaska ee (Oxygenta) maalintii 10 Haamood, xabbadu waa sodon dollar taasi macnaheedu waxaa weeyi qofku waxaa uu isticmaalaya 300,  hadii uu qofku ku jiro 10-cisho waxaa laga yaaba in qofku isticmaalo saddex kun oo dollar oo Haamaha Naqaska oo kaliya ah marka laga yimaado cuntadii iyo dawadii, marka maaha adeeg si fudud ku baxaya ee kharash ayuu ku baxaa adeegkasta oo cisbitaalka lagu bixiyaana waxaa weeyaan bilaa lacag oo dowladda ayaa kafaalo qaaday, bukaanada kal-kaaliyayaal caafimaad iyo dhakhaatiir ayaa dul taagan ka war haya caafimaadkooda”

Cisbitaalkani ayaa waxaa uu leeyahay goobtii Shaybaadhka, Farmasiigii dawooyinka noocyadiisa kala duwan laga helayay, Haamaha Naqaska oo si  bilaasha oo lacag la’aana loogu xidho qofkasta oo u baahda, masaajidkii ay ku cibaadeysaneey dadka xannuusanaya ee cisbitaalkani la dhigay, iyo goobtii cuno karrinta, gaadiidkii gurmadka deg degga ah oo iyaguna 24-saac heegana.

Dr. Maxamed Cabdiraxmaan Xasan kana mida dhakhaatiirta cisbitaalka Daryeel ayaa faahfaahin ka bixiyay waxaa ay markii hore bulshadu ka aaminsaneyd iyo hada waxaa ay kala kulmeen “Anagu waxaa aanu aheyn shaqaale ay wax weyni kala kulmeen wax weyna ka bartay waxaa laga aaminsana cisbitaal aan waxba dadka lagu daryeelin balse waxaa  aanu bulshada u sheegayna in aanu sidaasi aheyn ee adeeg bixin caafimaad oo wanaagsan ay bulshadu kala kulanto, waxaana ka warami doona dadka aanu goobtani daaweynta ugu sameynay ee caafimaaday, hadii aanu nahay shaqaalaha Daryeel dhakhaatiir iyo kal-kaalisooyin nagamay joojin bukaanada halkani ay ku dhinteen in aanu u adeegno bukaanada kale ee halkani yaala”

Hoodo Cabdi Xuseen oo ka mida Kal-kaalisooyinka sida maalinlaha ah uga hawlgala cisbitaalka Daryeel ee loogu adeego dadka xannuunka Covid-19 qabba ayaa sheegay in aanay gurigoodi tagin muddo afar bilooda sababo la xidhiidha xannuunka safmareenka ah ee Covid-19, iyadda oo nafteeda u hibeysay bukaanada cisbitaalkaasi yaala sidii ay nafahooda u badbaadin lahayd  “Askarta furinta joogta iyo anagu isku mid ayaanu nahay, waxaa loo baahan yahay mar hadii aad dhakhtar tahay wax kasta oo waajibaadkaaga ah aad gudato oo wakhtiyada adag iyo kuwa caadiga ahba aad ka soo baxdo shaqadaada, maaha in aanu nidhaahno marka aanu shaqeysaneyno oo kaliya ayaanu bulshada u adeegaynaa, marka waxaa loo baahan yahay marka marxalad adagi ay timaado sidii markii hore loo shaqeynayay si ka wanaagsan in loo shaqeeyo, waayo waxaa is badalay mooraalka bulshada iyo cabsi fara badan oo aanu bulshada ka arkaynay marka Alxamdulilaah ILLAAHEY ayaa nagu guuleeyay bukaanadii cisbitaalkani aanu daaweynta iyo daryeelkaba ugu fidinaynay caafimaadkoodi”

Mid ka mida bukaanada cisbitaalkaasi jiifay ayaa ka waramay adeegyada caafimaad ee loo fidiyo isaga iyo bukaanada kale ee goobta kula jira, waxaanu madaxweynaha iyo guddida heer Qaran ee la dagaalanka faafitaanka xannuunka safmarka ah ee Covid-19 ka codsaday in la abaalmariyo shaqaalaha sida gaarka ah naftooda ugu huray badbaadinta bulshadooda “Cisbitaalkani sidii aan moodayay markii hore maaha oo aad ayay uga duwan tahay, waxaa ay leedahay adeegi caafimaad oo dhan waxaa ay leedahay kooxo caafimaad oo u carbisan oo si deg degga kugu adeegaya, mar walbana ku dul taagan, dawadii kula dul taagan, cuntadii kula dul taagan, caanihii kula dul taagan, gurmadkii kula dul taagan, cabirkii kula dul taagan, Haamihii Naqaska oo bilaasha kula dul taagan oo markaynu eegno cisbitaalada kale habeenkii sodon doolar tahay, balse goobtani Haamaha Naqasku waa bilaash intaasi ayaan wax loo dhigaa jirin, anoo xaaladayda caafimaad banadan tahay markii la I keenay way ila tacaaleen waanay ku guuleysteen ILLAAHEY ayaa mahad iska leh.

Waxaanan aad iyo aad uga mahad naqaya kooxda halkani ku sugan ee ku dhex jira xannuunka dilaaga ah ee Covid-19 ee maanta adduunka laayay shan milyan iyo badh iyaga oo caafimaad qaba, ayaa anaga na dul tagaan yihiin’ mark madaxweynaha iyo guddida Covid-19-ba waxaan ka codsanaya in abaal marin la siiyo”

Sawirka dhakhaatiirta iyo wariye Boqore Axmed Cabdi/xuquuqda sawirka Wargeyska Dawan
Dr. Maxamed Cabdiraxmaan Xasan kana mida dhakhaatiirta cisbitaalka Daryeel ayaa faahfaahin ka bixiyay waxaa ay markii hore bulshadu ka aaminsaneyd iyo hada waxaa ay kala kulmeen

 

Sawirka Gaadhiga Gurmadka Deg Degga Ah, oo markasta heegan u ah badbaadinta bulshaweynta reer Somaliland/xuquuqda sawirka Wargeyska Dawan
Sawirka Farmasiiga Daryeel, kaas oo bukaanada cisbitaalka yaala ay ka helayaan dhammaan wixii daawooyina ee ay u baahan yihiin/xuquuqda sawirka Wargeyska Dawan
Sawirka Farmasiiga Daryeel kaas oo buukaanada looga qaado wax kasta oo daawo ah oo ay u baahan yihiin.xuquuqda Sawirka Wargeyska Dawan
Dr. Faadumo Cali Caraale oo ku hawlan baadhitaanka faylalka dadka xannuunka safmareenka ah ee Covid-19 haleelay, si ay ugu raadiso wixii baahiyaadkooda ah/xuquuqda sawirka Wargeyska Dawan
Sawirka Cisbitaalka Daryeel ee la Dhigo Dadka Qabba Xannuunka Covid-19/xuquuqda sawirka Wargeyska Dawan
Sawirka dhakhaatiirta iyo wariye Boqore Axmed Cabdi, kana mida hawl wadeenada Somali Five Tv, oo ku gudda jira hawl maalmeedkiisa shaqo goobtana u tagay diyaarinta warbixin la xidhiidha xaalada guud ee cisbitaalka iyo adeegyada uu u qabbto dadka qabba xannuunka safmareenka ah ee Covid-19 /xuquuqda sawirka Wargeyska Dawan

 

Dr. Shabcaan Xasan Jaamac kana mida Kal-kaalisooyinka xarunta adeeg bixinta caafimaadka ee Daryeel, oo nafteeda u hibaysay badbaadinta walaalahooda qabba xannuunka safmarka ah ee Covid-19/xuquuqda sawirka Wargeyska Dawan
Dr. Xuseen Cabdillaahi Cali kana mida dhakhaatiirta naftooda u hibeeyay badbaadinta dadka uu soo ritay xannuunka adduunyada aadka ugu faafay ee Covid-19, ayaa sharaxay adeeg bixinta caafimaad ay u sameeyaan bukaanada xaruntaasi caafimaad yaalla/xuquuqda Sawirka Wargeyska Dawan

 

Hoodo Cabdi Xuseen oo ka mida Kal-kaalisooyinka sida maalinlaha ah uga hawlgala cisbitaalka Daryeel ee loogu adeego dadka xannuunka Covid-19 qabba ayaa sheegay in aanay gurigoodi tagin muddo afar bilooda sababo la xidhiidha xannuunka safmareenka ah ee Covid-19, iyadda oo nafteeda u hibeysay bukaanada cisbitaalkaasi yaala sidii ay nafahooda u badbaadin lahayd/xuquuqda Sawirka Wargeyska Dawan