Barmaamujka Dhaqanka iyo Suugaanta

0
2503
Diyaariye. Saleeban Cabdi Cali (Kalshaale)
Tixda Cankabuud: Suugaantii dhex martay Salaan Carabay iyo Cabdilaahi Baashe
Sida aan ku soo qaadanay qormooyin badan oo kamida Barmaamujkeenan Suugaantu waagii hore iyo ilaa iminka Soomaalida waxa ay u ahayd Isgaadhsiin iyo qayb muhiim ah oo kamida waxyaabaha ay bulshadu ku xidhiidho.
Mar kale Suugaantu waa warbaahin bulshada kula hadasha luuqad iyo lahjad gaar ah oo ay si fudud ugu fahmi karaan hadba arrimahan ay suugaanyahanadu kala hadlayaan.
Hawraarta Suugaantu uga duwan tahay hadalka caadiga ah waxa kamida xigashada iyo xusuusta aan dhamaanin ee jiilba jiil ka dhaxlo ee ay leedahay, halka hadalka caadiga ah ee Abwaanku yidhaahdaa aanay waxba kaga duwanayn hadallada caadiga ah ee ay maalin walba fagaaareyaasha ka yidhaahdaan dadka caanka ahi.
Gabyaagu wuxuu si farshaxan leh Tixaha gabayga ugu suntaa dareen-celinta dhacdo uu gaar ula kulmay amma nooc kamida waayaha kala gedisan oo degmada uu ku nool yahay ku habsaday, sida colaad iyo Abaar, amma cudur iyo Caydh, Barwaaqo iyo reyn-reyn.
Sidoo kale, Hal-abuurku wuxuu ugu haasaawaa si’ ka turjumaysa wadciga guud ee nololsha bulshada ku xeerran, iyagoo ku dabaqaya tooda gaar ahaaneed.
Sidaasi darteed, wakhti ku qiyaasan intii lagu gudo jiray qarnigii labaatanaad,waxa jiray gabyaa badan oo Dhulka Somaliland iyo soomaalidaba suugaantoodu ka caan baxday, kuwaasoo ay jiilka maantu nolol ku soo gaadheen xigmadii iyo suugaantii ay ka tageen.
Salaan Maxamed Xirsi oo ku magac dheeraa “Salaan Carrabey” wuxuu noolaa badhtamihii qarnigii 19aad illaa qarniga 20 aad. Salaan, sida la rumaysan yahay Sannadkii 1943kii ayuu ku geeriyooday baadiyaha magaalada Burco isagoo cimrigiisu aad u weyn yahay.
Salaan wuxuu ahaa Abwaan si weyn looga qadarin jiray deegaanka uu degenaa amma ku noolaa iyo dhul badan oo ay Soomaalidu degto, waxaana xusid mudan in uu ka tegay Gabayo badan oo hal hays iyo maahmaahyo gal noqday. waxaana kamida geerarrada caan baxay ee uu curiyey Waar tolloow Colka joojja” iyo hal haysta “Nin labaatan buuxsaday aduun waa lagdamayaane iyo qaar kaloo badan.
Tixda Cankabuud, waxa uu u tirshey gabyaa uu adeer u ahaa oo la odhan jirey Cabdullaahi Baashe Shabeelle. Waxa taariikhdu werisaa in Salaan oo ku sugan Cadan uu magaaladaas yimi Cabdillaahi Baashe. Cabdillaahi Baashe oo rajaynayey in rag badan oo gabdho ka qabay soo dhaweeyaan ayaa gacma madhan kala kulmay intaan ka ahayn dhawr nin. Cabdillaahi oo raggii xididka ay ahaayeen gabay ku duraya ayaa yidhi;
Dhirta kale haddaad goyso waa gubayo hiireede
Geedkaan garaacnaaba waa Gawlaliyo Jiice
Ilaahbaa gacmaha noogu xidhay maydhax Gumareede
Geesigan ismaaciila iyo Godane mooyaane
Way guur xumaysteen hablii geelle dabadeede
Iminka iyo waligeedba Mamnuuc bay ahayd in nin xidid kula ah wax laga sheeggaa, sidaa darteed ayuu Salaan oo arkay khaladka Cabdillaahi uu ka codsaday inuu gabay kale oo uu raggaas ku xaal marinayo tiriyo. Cabdillaahi gabay kale ayuu u noqday laakiin sidii Salaan faray ma yeeline wuu is difaacay isagoo tabanaya inuu runta uu sheegay laga gubanayo:
Haddii aanan gaal iyo islaam eedba cid u geysan
Oon seedigay waxa u galo giirka ka caddeeyo
Ma la guban haddaan Geelle Mire sheego gacantiisa”ayuu ku jawaabay Cabdilaahi Baashe.
Markii uu Cabdilaahi halkaa wax mariyey, ayey Salaan Carrabey   la gudboonaatay inuu wiilka yar ee uu adeerka u yahay waa Cabdilaahi Baashe’e  waaniyo. waxaanu tiriyey gabay dheer oo uu ku hoga-tusaalaynayo qiimaha xididnimada, sida aanay micnaha u lahayn wax la cunaa, balse ay ka qaayo iyo qurux badan tahay dhowrsanaanta sharafta iyo in mar walba la ilaaliyo xididka.
Salaan Gabaygiisa waxa uu ku bilaabay:
Cabdillaahi Baashoow cataqay gabay caraadkiise
Maxaad cuni ha joogtee adduun caashaqii dhigaye
Sidan caddadka bilaha u tirsaday waan cabsanayaye
Tixda waxan cashuuraba haddaan caynka ka higaadsho
Aniga cayda iiguma baxdiyo ceebta dibadeede
Carradaba nin laga naadiyoo caan baxaan ahaye”ayuu aarar culus ku ganay salaan, isagoo ku iftiiminaya awaallo waran kooban oo ku saabsan xaaladiisa iyo sida uu gabayaaga uga madnuuc yahay wax ka sheegga Xiddidka.
Salaan Gabayga wuu sii watay oo waxaanu mar kale yidhi isagoo toos u abaaray Ninka uu la hadlayey:
Cuqle midu u baxay baad tahoon caabudeyn axade
Cabbaar gabana meel uma fadhidid cisiyo maamuuse
Hadba tol aanu ceesh milix nahaad nagu cadhaysaaye
 
Cimrigiisa niman laasanayn looma caal helo’e
calliyohow cirradu waa dhabtii caammadaan garanne
Calaamooyinkii oday lahaa caasha idin saarye
 
Qorax casarka joogtaan ahoo ciiri dabadeede
kuwaanu isku ciidamis ahayn caadna laga waaye
Hadba waxan calool doonayaa curufadaydiiye
 
Cindigaan hurdada fiiriyaa caam intaan jiraye
Naf cankuurka loo yimi Rabbaa caaqibuu garanne
Calool qulubtay waa yaab asaan cudur la taahayne
Cidla yuurur bay dilay sidii cawsha debadeede.
Salaan Carabay sida gabaygiisan iyo gabayo badan oo uu leeyahayba ka muuqda wuxuu ahaa Nin aqoon iyo xeel-dheeri u lahaa aqoonta Diinta iyo Taariikhda Islaamka, waxaanu baydadkan soo socda ku soo qaadanayaa dhacdooyin iyo ficillo uu ku soo qaadayo qaar kamida magacyadii qolyihii ka soo horjeestay Asxaabta iyo Xaq diinta iyo halkii ay ku dambeeyeen:
Waxa kale oo uu ku sharaxayaa micnaha iyo xigmada ay xambaarsan yihiin qaar kamida Suurradaha qur’aanka oo uu ku magac-dhebayo.
Isla tixda dhexdeeda qaybta inoo dhiman waxa uu abwaanku si qoto dheer ugaga ducaysanayaa cadaab iyo in uu alle kala kulmo ciqaab daran marka ay tiisu timaado ee Mowdku haleelo.
Caad iyo kancaan iyo Namruud cadawyadii diinta
Cantar binu shadaad iyo kuwii coofka kor u taagey
Callaaq baa la sudhay reer Cimaad cadho daraadeede
 
Beryo wuxu cantoobsaday markii Ceejad laga waayey
Casha keliyabaa reer fircoon wiish la caaridaye
Cuqdud Eebbeheen geli wuxuu cudud lahaa xooge
Caqlow dhimoe Cooj-bini-Cunuuq ciidda lagu awdye
Cirkaa lagaga soo degey markay caamileen kibire
 
Ninkii Cabbasa ogi Eebbe waw toobad celiyaaye
Cama nin Akhristaa jeer danbuu ku cimri qaataaye
Cankabuudka caaradu xidhee lagu cayaaraayo
iyo wiil cartii qaba intuu amar la ceeryoomay
Cindallaahi waa simman yihiin waana laba cayne
 
Caddad ma leh rijal ladan intay calal ku duubene
Ooy meel cabbaar loo qodqoday kaga carraabeene
 
Marka inuu cidhiidhyamay waqtigu waa caddaan dhabahe
Ciyoonba haatan laysugu dhawaaq Calanki Suurkiiye
Maalintaan Curyaan wada nahee Caaddilka hor joogno
 
Qofba Culuqu laasimay markii lagu cashuuraayo
Isagoo Cadshaan qaba intuu Ciriqna maansheeyo
Limmaa-Tacuddu Alif-Caam haddaan cidi jawaab siinin
 
Ninkastoo Caniidaba markay talo ku ceeryoonto
Ifka nimad u cabataad maruun ciidan ka heshaaye
Camalkaaga mooyee halkaan hiil casabo joogin
Halkii aaddan Cashiiro u lahayn cuudna bixinaynin
 
Rasuulkii Cirshiga loo sakhiray Carajadii leylka
Isagaa Cibaadada anfaca Caaddilka hortiise
Codkii Maxamed(SCW)lagu caawimaan ka codsan doonaay..”
Ayuu Salaan ku ducaystay, waxaana xusid mudan in aanu gabaygani dhamayn, balse aanu idiin soo gudbinay intii ugu muhiimsanayd xigmad ahaan iyo hadal ahaanba wixii uu ugu jawaabay Ninka ay tolka ahaayeen ee uu waliba adeerka u ahaa ee ku gefay nimanka ay xididka ahaayeen.

Leave a Reply