Hogaamiye Ayuu Ku Noqday dadaalkiisa!

0
1075

Abu al-Misk Kafur (905 – 968, Qarnigii 10aad) waxa kale oo lagu magacaabi jiray   Al-Laithi, al-Suri, al-Labi wuxuu ahaa shaksi awood hogaamineed iyo karti  leh, asalkiisu wuxu ahaa adoon madow oo Ethopiyaan ah waxaana iibsaday Muhammad ibnu Tughj sanadkii 923, kaasi oo ka mid ahaa cabaasiyiinta xukunka Masar iyo Suuriya hayay.  Kafue wuxu ahaa adoon karti iyo maskaxa leh.

Adoonka Kafur isagoo taagan sayladda lagu iibinayo ayay isaga adoon kale oo ay saxiib ahaayeen  uu weydiiyay wuxu ku fikiro “ waxaana saaxiibkii ugu jawaabay waxaan ku fikiraa inaan xabxabka oo aan jeclahay iibiyo, si aan uga dhergo oo mar walba aan u cuno. Laakiin adoonka Kafuur ayaa isna sheegay inuu ku fikiro in uu xaakimka Masar noqdo.  Muhammad ibn Tughj oo loo yaqaanaya “Akhshiid” markii uu iibsaday adoonka Kaafuur wuxu siiyay tarbiyad wanaagsan,  wuxu baraya tababarka ciidanka iyo fardaha sida loogu dagaalamo waxaana uu  noqday halyay.

Markii Muhammad Ibn Tugh uu noqday hogaamiyaha Masar sanadkii 935 waxa uu adoonkiisa Kafur ka dhigay wasiir ka dib markii u qorshihiisa fiincan, kartidiisa iyo maskaxadiisa la tacajabay.

Haddaba Markii uu dhintay Xaakiimka Muxamad Akhshayid  sanadkii 946 waxa xukunkii boqortooyadaasi la wareegay adoonkiisa Kafur isagoo xukumayay muddo 23 sannadood ah, xilligaasi oo uu haystay laga soo bilaabo Masar ilaa iyo suuriya, waxaana u noqday hogaamiye aad loogu kalsoon yahaya oo balaadhiyay xukunkii Akhshidiyinta.   Saaxiibkii sida taariikhdu qortay wuxu noqday isaguna xabxable. Kafur waxa u dhintay sanadkii 968.  Qof kasta waxa uu ku hamiyo marka uu ku dadaalo waa u gaadhaa xataa haddii aanu joogin dalkiisa oo uu adoon yahay.

Leave a Reply