Baanka dhexe oo kulan u qabtay Dhaqan-gelinta Xeer muhiim u ah xakamaynta Lacagaha Sharci-darrada ah

0
472

Hargeysa(Dawan)-Madaxda Baanka dhexe ee JSL,masuuliyiin ka socda hay’addaha dawladda ee doorka ku leh maamulka iyo maaraynta lacagta, khubarada dhaqaalaha iyo wakiillo ka socday Shirkaddaha ka shaqeeya howlaha lacagta, ayaa ka qaybgalay kulan lagu gorfeynayo dhaqan-gelinta Xeerka xakamaynta Maydhanka lacagta (Money Laundray) xeer Lr 87/2019, kaasoo lagu soo saaray faafinta rasmiga ah, kaddib markii uu ka soo gudbay Hay’addaha xeer-dejinta Waddanka.
Kulankan oo socday muddo hal maalin ah (26 Jully), ayaa waxa si qoto dheer loogu falanqeeyey masuuliyaddaha iyo waajibaadka uu farayo xeerkani guud ahaan hay’addaha ka shaqeeya lacagta ee dawladda iyo kuwa gaarka loo leeyahay iyo ahmiyada uu u leeyahay bad-qabka suuqa lacagaha.
Agaasimaha guud ee Baanka dhexe Axmed Xasan Carwo oo ugu horayn halkaa hadlay, ayaa sharaxaad ka bixiyey qaababka la doonayo in loo dabaqo xeerkan iyo faa’idooyinka uu u leeyahay ku-kalsoonaanta dhaqaalaha dalka.
“sharcigani waa mid aad u muhiima oo lagula dagaalamayo lacagta lagu soo helo sifo khaldan, hadday budhcad lacag soo xaday noqoto, hadday Argagixiso noqoto iyo hadday qaab kale oo tuuggo ah noqoto, lacagtaasoo la mariyo qaab lagu xalaalaysto oo laysugu gudbiyo.
Sharcigani wuxuu ka kooban yahay wixii lagula dagaalami lahaa lacagaha noocaas ah, waana wax caalamka oo dhami kula dagaalamo, ciddii nidaamkaa u samaysan waydana waxa ku dhaca cunno-qabateyn iyo sicir-barar iyo mashaakilaad fara badan”ayuu yidhi Agaasime Axmed Carwo.
Guddoomiye ku-xigeenka Guddida dhaqaalaha ee Golaha Wakiillada Maxamed Axmed Obsiiye oo isaguna halkaa ka hadlay, ayaa sheegay in hindisihii sharcigan lagu aasaasay uu soo maray marxalado badan iyo wakhti ay geliyeen guddi-hoosaadka dhaqaalaha ee Golahaasi, waxaanu xusay “annagoo dareensan muhiimada uu leeyahay xeerkani waxaanu la-tashi sanad iyo dheeraad qaatay kala samaynay Hay’addaha lacagaha ee dalka” ayuu yidhi Xildhibaan Obsiiye.
Xeer-ilaaliyaha Gobolka Maroodi-jeex Garyaqaan Mawliid, ayaa sheegay in shuruucda noocan ah dhaqan-gelkoofu muhiimad khaasa u leeyihiin hay’addaha garsoorka dalka, maadaama cid kasta oo lagu qabto lacag sifo khaldan soo martay cadaalad-marinteedu u baahan tahay sharci iyo hab-raac qoran.
Guddoomiyaha Baanka dhexe ee JSL Cali Ibraahim Jaamac (Baqdaadi), ayaa isaguna dhankiisa faahfaahin ka bixiyey faa’idooyinka xeerkani u leeyahay shaqada hay’addaha maaliyaddeed ee waddanka.
“Maydhista lacagtu waa Lacag asalkeedu xaaraan yahay amma sharci darro uu yahay oo la doonayo in xalaal laga dhiggo. caalamku maanta indhaha ayuu ku wada eeggayaa dawlad walba qulqulka lacagta, lama ogola toban kun oo dollar in aad jeebada ku qaadato, haddii lagugu qabtana su’aalbaa ku hortaalla, inaguna waxaynu ku dabaqnay nidaamkaas”.
Guddoomiyuhu waxa uu sheegay in “qofka toban kun oo dollar kalama bixi karo Madaarka haddii kalena waa in uu sheegaa wuxuu ku qabanayo, haddii uu la soo galanna waa lamid”ayuu yidhi.

Waxa intaasi ku daray Guddoomiyuhu in guud ahaan hay’addaha maamula maaliyaddu ku shaqeeyaan xeerkan oo ay fulintiisa u noqdaan furre “idinka ayey idin soo maraan lacagaha ugu badan, Xawaalad ha noqdo amma Sarifle ha noqdo amma Baan ha noqdo, sidaas darteed xeerkan waxa la doonayaa in aad si fiican u akhridaan, waayo? waddanku wuu inaga dhexeeyaa ee waxa loo baahan yahay in aad wixii lacag xaaraan ah ee aad ka shakidaan in la xalaalaynayo aad soo qabataan”ayuu kula dardaarmay Guddoomiyuhu ka qaybgalayaasha shirkaasi.

Xeerkan, ayaa soo baxay dabayaaqadii sanadkii la soo dhaafay ee 2019, waxaana dhaqan-gelintiisu ku soo beegmaysaa xilli ay Dawladdu doonayso in ay gacanta ku dhigto amma la socoto guud ahaan dhaqdhaqaaqa qulqulka lacagaha dalka soo gala iyo kuwa ka baxaya.

Leave a Reply