Wasaaradda Maaliyadda oo madal ku furan ku qiimeysay dakhliga dawladda ee lix-biloodka hore ee sanadka iyo Saameynta Covid19 ku yeeshay

0
431
“is-qiimeyntii waxa ka soo baxay in aynu soo marnay lix bilood oo adag oo aynaan ku talogelin…”
 
“Dakhligii aynu ugu talogalnay in aynu soo saarno lixda biloodka hore ee sanadka waxa aynu hoos-uga dhacnay boqolkiiba sagaal ilaatoban (9%/10%)..”Dr. Sacad Cali Shire W.W.H Maaliyadda JSL
Qore. Saleeban Kalshaale

Hargeysa(Dawan)-Wasaaradda horumarinta maaliyadda JSL, ayaa soo gebagabaysay kulan howleed muddo laba maalmooda uga socday Magaalada Hargeysa Madaxda sare ee Wasaaraddaasi iyo madax-waaxeedyada dakhli soo-saarka oo ay weheliyaan khubarada iyo saraakiisha sarsare ee la shaqaysa, kaasoo lagu dersay waxyaabaha ka fulay qorshihii loo dejiyey in ay fuliyaan lixda biloodka hore ee sanadkan labada waaxood ee udub-dhexaadka u ah Dhaqaale soo-saarku.

kulankan oo furmay Sabtidii, Axadda maantana la soo gebagabeeyey, waxa ka qaybgalay Wasiirka, Wasiir ku-xigeenka, Agaasimaha guud, Xisaabiyaha guud ee qaranka, Hanti-dhowrka guud iyo Madaxda Waaxyaha Dakhli ururrinta ee Wasaaraddaasi oo ay kamid yihiin Waaxda Kastamada iyo Waaxda Cashuuraha Berriga, kuwaasoo gunnaanadkii shirka lagu guddoonsiiyey shahaado-sharafyo ay ku mutaysteen shaqo wanaag iyo deddaal, sida halkaasi laga sheegay.

Shirkan oo ahmiyadiisa koowaad ahayd qiimeynta Dakhligii soo baxay lix biloodkii hore ee sanadkan, ayaa waxyaabaha ka soo baxay qiimeynta la sameeyey waxa ugu weyn in cudurka Corona Virus uu saameyn ku yeeshay dakhliga dawladda ee lagu odorosay Miisaaniyada 2020, kaasoo hoos-u-dhac ku keenay Dhaqaalihii lagu talogalay in uu soo baxo, sida ay sheegeen Masuuliyiinta Wasaaraddu.
“Qiimeyntu waa qodob aad u muhiima oo kamida Silsilada Maamulka ” Silsilada maamulku waxa ay ka bilaabantay Aragti, qorshe, fulin, qiimeyn iyo dib-u-eegis, markaa maanta waynu is-qiimaynaynaa. sanadku markuu bilaabmay qorshe ayeynu samaysanay, waxaynu qiimaynaynay qorshihii maxaa inooga hagaagay” ayuu yidhi Wasiirka Wasaaradda horumarinta Maaliyadda Dr. Sacad Cali Shire oo xidhitaankii shirkaasi hadal dheer ka jeediyey.

Wasiirka, ayaa tilmaamay in uu dakhliga dawladdu hoos u dhacay ugu badnaan 10% saameynta cudurka Corona Virus dartii, sidaasoo ay tahayna deddaal badan ay sameeyeen xafiisyada Wasaaradda u qaabilsan cashuur-uruurrintu.
“is-qiimeyntii waxa ka soo baxay in aynu soo marnay lix bilood oo adag oo aynaan ku talogelin, cidina aanay ku talo-gelin.
Xannuunka Corona Virus cid sii odorostay sanadkii ina dhaafay ee 2019-ka ma aanay jirin ilaahaybaa keenay SWT, dunidoo dhan ayuu saameeyey, innagana wuu ina saameeyey, Dhaqaaleheenuu saameeyey, Caafimaadkeenuu saameeyey, Dakhliga dawladda ayuu saameeyey.

Laakiinse waxa ka muuqata qiimeynteenii inaynu samaynay deddaal aad iyo aad u fara badan oo markaan eegno dhibaatada inagu timi aynu odhan karno arrinkaa waa ku guulaysanay. Dakhligii aynu ugu talogalnay in aynu soo saarno lixda biloodka hore ee sanadka waxa aynu hoos-uga dhacnay boqolkiiba sagaal ilaatoban (9%/10%) runtii waa guul”ayuu yidhi Wasiir Sacad oo dhinaca kale kula dardaarmay Shaqaalaha madaxda iyo shaqaalaha Wasaaradda inay guntiga dhiisha iskaga dhiggaan sidii lixda bilood ee soo socda loo soo saari lahaa kharashaadkii ku jiray ku talo-galka, si aan hoos-u-dhacu u noqon mid sanadkan soo socda ula wareegga miisaaniyada.
Waxaanu Wasiirku isagoo arrintaas ka hadlaya yidhi “Sanadkii waxa inooga hadhay lix bilood, yoolkeenu waxa weeye in dakhligii aynu ku talogalnay soo saarno oo aynaan sanadkan ula wareegin hoos-u-dhac, taas micnaheedu waxa weeye in aan deddaalkeena laban laabno.
Halkan waxaad ka soo jeediseen cabashooyin iyo baahiyo, waan idin maqalnay, waanan qoranay wixii alle nooga calfo waa ka qabanaynaa, had iyo jeer baahiyuhu xad malaha laakiinse dhaqaalaha ayaa xad leh”ayuu yidhi Wasiir Dr. Sacad.

Agaasimaha guud ee Wasaaraddaasi Maxamed Cabdi Gurxan oo isaguna halkaasi ka hadlay ayaa sheegay in labada waaxood ee cashuuraha Berriga iyo Kastamadu udub-dhexaad u yihiin Dhaqaalaha dalka iyo shaqada Wasaaradda “muhiimada labadan waaxood waa laf-dhabarta, waa hal-bowlaha, waa labada meelood ee ugu mudan qaranka, gaar ahaan Wasaaradda horumarinta Maaliyadda, dhamaantii wuxuu qaranku ku shaqeeyaa waa wixii aad soo saartaan intiina halkaa fadhidaa (Waaxyaha Cashuuraha Beriga iyo Kastamada), waxaan idinkula dardaarmayaa in aad aragtidiina maamul kor u qaadaan”.

Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda horumarinta Maaliyadda Muuse Ibraahim Yuusuf, ayaa dhankiisa ku amaanay guud ahaan bahda wasaaradda sida ay ula dabaasheen dhaawac dhaqaale ee uu sababay cudurka Covid19, waxaanu ammaanay warbixinta ay halkaasi ku soo bandhigeen waaxyaha dhaqaale-soo-saarka Wasaaraddu “iyadoo uu sanadkani ahaa sanad khayr badan oo duruufo badan oo dunida saameeyey ay jireen, haddana warbixinta aad soo gudbiseen ee lixdii bilood ee la soo dhaafay waa idiinka mahad celinaynaa dedaalka aad muujiseen”ayuu yidhi.

Xisaabiyaha guud ee Qaranka iyo xubno ku hadlayey afka khubarada Wasaaradda oo iyaguna halkaasi ka hadlay, ayaa ku booriyey madaxda iyo Saraakiisha waaxyaha in ay deddaalkooda sii laba jibaaraan si looga soo kabto jugta dhaqaale ee uu sababay cudurka Covid19, loona fuliyo qorshihii lagu jaan-gooyey Odoroska Miisaaniyada qaranka.

Shirkan, ayaa daba socday kulamo ay wasaaraddu todobaadkii la soo dhaafay la yeelatay Ururrada Bulshada ee Waddaniga ah, kuwaasoo ay la-tashi kala samaysay diyaarinta Miisaaniyada iyo qoondaynta ilaha ay ka soo baxayso.

Leave a Reply