Wasiirka Warfaafinta Somaliland oo la kulmay Madaxweynaha DDSI

0
459

Jigjiga(Dawan)-Madaxweynaha Dawlad-deegaanka Soomaalida Itoobiya, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo wacyi-gelinta Jamhuuriyada Somaliland Saleeban Yuusuf Cali Koore iyo wefti uu hogaaminayo oo booqasho ku joogga magaalada Jigjiga ee caasimada Gobolka Ismaamulka Soomaalida Itoobiya.

Wasiir Saleeban Yuusuf Cali Koore, Madaxweynaha Mustafe Cagjar iyo Agaasimaha Hay’adda Samofalka ee SVO

Madaxweynaha iyo Weftiga Wasiirku hogaaminayo ayaa yeeshay kulan saacado qaatay, waxaana ku wehelinayey Saraakiil xubno ka ah weftiga.

Wasiirka Wasaaradda Warfafainta Dhaqanka iyo Wacyigalinta ee Somaliland Saleebaan Yuusuf Cali (Koore) iyo Madaxwaynaha Dawlad deegaanka Somalida Itoobiya Mustafe Muxumed Cagjar, waxaa ay ka wada hadleen xidhiidhka iyo cilaaqaadka qotada dheer ee ka dhexeeya Somaliland iyo Dawlad deegaanka sida amniga iyo ganacsiga.

Mustafe Muxumed Cagjar Madaxwaynaha Dawlad Deegaanka Soomaalida Itoobiya ayaa Somaliland ku amaanay horumarka iyo deganaanshiyaha geeska oo ay kaalinta hore kaga jirto, waxaanay labada dhinacba balan qaadeen sii xoojinta wada shaqaynta labada dhinac.
Somaliland iyo Itoobiya ayaa leh xidhiidh siyaasaddeed iyo mid ganacsi oo wakhti dheer soo jiray, waxaana xidhiidhkaasi udub-dhexaad u ah dhaqan-wadaagta iyo is-dhexgalka Shucuubta labada dal ee Soomaalida ah oo door weyn ku leh isku-haynta arrimaha ka dhexeeya labada dal.

Leave a Reply