Xukuumadda Somaliland oo Dhanbaal Tacsiya la Wadaagtay Taiwan

0
598

Hargeysa-(Dawan)- Xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa shacabka iyo Dawladda Taiwan ka tacsiyadeysay Geerida Madaxweynihii hore ee dalkaasi Mr. Lee steng-Hui oo shalay geeriyooday, kaasi oo ahaa siyaasi weyn oo kaalin ka soo qaatay dimuqraadiyadda lagu majeerto Taiwan.

Wargeyska Dawan, ayaa soo xigtay dhambaal Tacsi ah oo Wasaaradda Arrimaha Dibadda Jamhuuriyadda Somaliland ay ugu tacsiyadeysay Dawladda iyo Shacabka Taiwan oo Somaliland uu ka dhexeeyo cilaaqaad saaxiibtinimo iyo wax wada qabsi.
Wasaaradda Khaarajiga Somaliland waxa ay sheegtay Xukuumadda iyo shacabka Somaliland ay la jiraan ummadda reer Taiwan oo ay si shucuur leh uga tacsiyadeynayaan Geerida Siyaasigaasi.

Leave a Reply