Madaxweyne Trump oo Mamnuucaya TikTok

0
581

Newyork-(Dawan)-Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa Sabtida maanta ah ku hanjabay in uu gudaha Mareykanka ka hakin doono isticmaalka aaladda ay bulshadu ku xidhiidho ee TıkTok, oo ah adeeg dhanka warbaahinta bulshada oo laga leeyahay dalka Shiinaha.

“TikTok waan ka mamnuucaynaa Mareykanka,” ayuu Trump Jimcihii u sheegay wariyeyaasha xilli uu ku safrayay diyaaradda Air Force One oo uu kaga soo laabanayay gobolka Florida.

Madaxweynaha ayaa maanta oo Sabti ah sheegay in uu adeegsan amar madaxweyne oo TikTok ka mamnuucaya Mareykanka. Laakin ma jiro ilaa iyo iminka wax tallaabo ah oo la shaaciyey.

Tallaabadan ayaa ka danbeysay ka dib markii ay hay’addaha amniga Mareykanka ay walaac ka muujiyeen amniga xogaha dadka Mareykanka ee adeegsada TikTok, xilli ay soo dhowaatay doorashada madaxtinimada Mareykanka ee bisha November.

Arrintan ayaa dhabarjab ku noqoneysa shirkadda warbaahinta iyo qalabka tiknoolijga ByteDance ee dalka Shiinaha oo leh TikTok.

Aaladdan ayaa noqotay tan ugu guulaha badan shabadaha warbaahinta bulshada ee Shiinaha, ka dib markii ay noqotay mid caalami ah tartanna la gashay Facebook, Instagram iyo Snapshot oo ah aaladaha caanka ah ee warbaahinta bulshada, kuwaasi oo dhammaantood laga leehay Mareykanka.

App-kan ayaa ah mid dunida caan ka ah. Waxaa lala soo degay ilaa 2 bilyan jeer dunida oo dhan, iyadooo 165 milyan oo ka mid ahna dadka la soo degay App-kan ay ku sugnaayeen Mareykanka.

Leave a Reply