Wasaaradda Dastuurka oo Kaalmo Xoolo ah ku Qaybisay Ceerigaabo

0
894
Isu-duwaha wasaaradda xidhiidhka golayaasha iyo arrimaha dastuurka Somaliland Cadnaan Madar Ducaale u qaybiyay saddex goobood oo mihiima

Ceerigaabo (Dawan) Wasaaradda xidhiidhka golayaasha iyo arrimaha dastuurka Somaliland, ayaa  kaalmo xoolo ah gaadhsiisay cisbitaalka guud ee magaalada Ceerigaabo, taliska  booliska Sanaag, cisbitaalka Tb-da ee magaalada.

Kaalmadan xoolaha ah ee wasaaradda xidhiidhka golayaasha iyo arrimaha dastuurka Somaliland ay magaalada Ceerigaabo ka qaybisay ayaa ahayd kaalmo ka socotay wasiirka wasaaradda, islamarkaana uu wakiishay isu-duwaha wasaaradda xidhiidhka golayaasha iyo arrimaha dastuurka ee gobolka Sanaag.

Isu-duwaha wasaaradda xidhiidhka golayaasha iyo arrimaha dastuurka Somaliland Cadnaan Madar Ducaale ayaa faahfaahin ka bixiyay kaalmadan xoolaha ah ee ay qaybiyeen  iyo inta neef ee ay ka kooban tahay, iyo meelaha ay ugu tallo galleen “Maanta waxaa aanu halkan ku wareejiyay Adhi anaga oo ka socona wasaaradda xidhiidhka golayaasha iyo arrimaha dastuurka Somaliland, waxaanu ugu horeyn u mahad naqeyna wasiirka wasaaradda iyo agaasimaha guud, anaga oo isu xilqaanay in aanu kaalmo xoola ah ku wareejino, cisbitaalka, qaybta booliska farxada munaasibada Ciidul Adxada awgeed, tiradda Adhiguna waxaa weeye lix neef oo aanu ugu tallo galney in ciidanka booliska iyo cisbitaalka ceerigaabo iyo Tb-du ay maalintaasi ku ciidaaan, wasaaradd ahaana waxaanu nahay wasaaraddii ugu horeysay ee wareejisa Adhi Odxiya ah”

Isu-duwaha wasaaradda xidhiidhka golayaasha iyo arrimaha dastuurka Somaliland Cadnaan Madar Ducaale
Isu-duwaha wasaaradda xidhiidhka golayaasha iyo arrimaha dastuurka Somaliland Cadnaan Madar Ducaale u qaybiyay saddex goobood oo mihiima

Halkan ka Daawo

Leave a Reply