Guddiga Hagista Machadka Dawladaha Hoose Oo Shir Uga Furmay Boorama

0
857

Boorama (Dawan): Guddiga hagta siyaasadda lagu maamulo machadka tababarka shaqaalaha dawlaha hoose ee Somaliland ayaa maanta shir uga furmay magaaladda Boorama.


Kal-fadhigan oo noqonaya kii afraad oo ay guddigu yeeshaan waxaa shir-guddoominayay guddoomiyaha haayada shaqaalaha dawlada Somaliland Farxaan Aadan Haybe.


Waxaana kulankaasi ka soo qayb galay maayarrada magaalooyinka Hargaysa, Laascaanood, Berbera, Boorama, iyo Saylac.


Sidoo kale waxaa kal-fadhiga ka qayb galay agaasimeyaasha guud ee wasaarradaha Maaliyadda, waxbarashada, arrimaha gudaha iyo guddoomiyaha machadka tababarka shaqaalaha dawladda Somaliland iyo machadka tababarka shaqaalaha dawladaha hoose.


Waxa kaloo kulanka joogay ku-xigeenka agaasimaha machadka dawladaha hoose iyo agaasimaha ururka dawladaha hoose ee Somaliland.


Kulankaasi ayay u jeedadiisu ahayd mid lagaga wada tashanayay dhamaystirka qaab-dhismeedka machadka tababarka shaqaalaha dawladaha hoose iyo sidii loo midayn lahaa tababaradda.
Iyadoo la raacayo agendaha shirka waxa warbixin 6dii bilood ee tegay sanadka 2020 kaga dhagaysanay masuuliyiinta Machadka, saamaynta coronovirus-ka.


Waxaana la isla gorfeeyay qodobo kale oo muhiim u ah sii socodsiinta hawlaha Machadka Dawladaha hoose (LGI) iyo dardar gelinta hawlaha loo aasaasay oo ay ugu mudnayd sidii shaqaalaha Dawladaha hoose u heli lahaayeen tababarada ay u baahan yihiin oo joogto ah sanadka 2021.

Guddoomiyaha haayada shaqaalaha dawlada Somaliland Farxaan Aadan Haybe, oo furitaanka kal-fadhigaasi hadal ka jeediyay ayaa sheegay in kulankaasi looga gol leeyahay sidii la iskula eegi lahaa waxyaabaha qabsoomay iyo arrimaha u baahan in wax laga qabto.
Isagoona xusay in kulankii kan ka horeeyay uu u baaqday xanuunka Corona virus dartii.
“Kulankii hore wuxuu inooga baaqday xanuunka Corona awgii. Kulankan waxaan ugu tallo galnay in fursad la isku helo. Maadaama maayarrada iyo agaasimeyaasha guud ay inta badan mashquul yihiin.
In fursad la isku helo, oo si wanaagsan la iskula jaan-qaado. Wixii qabsoomay iyo waxyaabaha u baahan in wax laga qabto” ayuu yidhi Farxaan Haybe.


Isagoo faahfaahin ka bixinayay ajendaha shirka, waxa uu yidhi “Iyadoo fadhigan la kala dhegaysan doono, warbixinaha iyo dooddaha la sameeyay iyo waxa u baahan in aynu qabano lixda bilood ee soo socda, iyo ku tallo galka mustaqbalka”.


Maayarka Boorama Saleebaan Xasan Xadi, oo hadal ka jeediyay furitaanka kaulan hawleedkaasi ayaa tilmaamay in muhiimad weyn uu leeyahay shirkaasi.
Waxaanu yidhi “Kulankani waa muhiim. Waxaanu muhiim u yahay kala xog qaadashada iyo isku xidhnaanta haayada shaqaalaha dawlada iyo kuwa dawladaha hoose ee dalka, oo ah in la horumariyo sidii la isugu xidhi lahaa, ee loo wada shaqayn lahaa”.


Badhasaabka gobolka Awdal Maxamed Axmed Caalin (Tiinbaro), oo isna furitaanka kal-fadhigaasi ka hadlay ayaa sheegay in aad loogu baahnaa samaynta guddiga hagista machadka dawladaha hoose.
“Guddigani mid loo baaahnaa buu ahaa. Waayo? Wax isku xidha goboladeena iyo degmooyinkeena, maba jiro, oo aan guddidiinan ahayn. Waxa kaloo dhami way filiqsan yihiin” ayuu yidhi badhasaab Tiinbaro.
Dhinaca kale waxaa isna halkaas hadal ka jeediyay guddoomiyaha machadka haayadda shaqaalaha dawladda Guuleed Hagoog, waxaanu sheegay in ajandaha kal-fadhigan afraad dib loogu eegi doono waxyaabihii guddiga u qabsoomay lixdii bilood ee la soo dhaafay.


Waxaanu yidhi, “Kal-fadhigan oo ah kii afraad, ee ay yeeshaan machadka tababarka shaqaalaha dawlaha hoose, waxaan maanta ku eegi doonaa, waxqabadkii lixdii bilood ee ina dhaafay.
Kal-fadhigan oo lagu dar-dar gelin doono, socod siinta iyo ka shaqaysiinta machadka dawladaha hoose.
Waxaan rejaynayaa in ay ka soo bixi doonaan qodobo oo midho dhal u noqda kobcinta, tayaynta, iyo kor u qaadidda shaqaalaha dawlada iyo shaqaalaha dawladaha hoose”.

Dawannews.com/Hargaysa Office.

Leave a Reply