Nuxurka kulan Dhexmaray Wasiirka Tamarta iyo Wefti China-ah

0
636

Hargeysa (Dawan) Wasiirka wasaarada tamarta Iyo macdanta mudane Jaamac Maxamuud Cigaal, oo uu wehelinayo agaasimaha guud ee wasaaraddu mudane Maxamed Yuusuf Ismaaciil, ayaa xarunta wasaaraddaasi ku qaabilay wafti maal-gashadayaal ah oo ka socda dalka China.

Sidoo kale waxaa kulankaas wasiirka iyo agaasimaha guud kala qayb galay guddoomiyaha hay’adda Korontada Somaliland mudane Axmed Faarax Cadarre.

Labada dhinac waxay ka wada hadleen dhinacyada maal-gashiga iyo horumarinta tamarta iyo sidii iskaashi loo samayn lahaa.

Madaxda wasaaraddu waftigan waxay ku soo dhaweeyeen gacmo furan, iyaga oo u ballanqaaday in ka wasaaradd ahaan ay ku faraxsan yihiin in wafti maal-gashadayaal ah dalka yimaadaan iyagoo la wadaagay fursadaha maal-gashi ee ay suurta galka tahay in waftigu maalgashadaan.

Xafiiska Xidhiidhka Dadweynaha iyo Saxaafadda

Leave a Reply