Wasiirka Beeraha oo ka Hadlay Saameynta Sunta…

0
478

Hargeysa (Dawan) – Wasiirka wasaaradda horumarinta Beeraha Somaliland Axmed Muumin Seed, ayaa sheegay in sunta ay u adeegsadaan la dagaalanka Ayaxu iyo xakamaynta Ayaxu aanay waxa dhibaato ah u lahayn dadka, beeraha, xoolaha iyo deegaanka.

Axmed Muumin Seed wasiirka wasaaradda horumarinta beeraha Somaliland, oo ka jawaabaayay warar qaladan oo laga fafiyay suntan ay wasaaradda beeruhu u adeegsato dagaalka ay kula jirto Ayax dhibaato ku haya guud ahaan dhul-beereedka iyo dhul-daaqsimeedka Somaliland.

Wasiir Seed wuxuu sheegay in suntaasi tahay mid laga adeegado guud ahaan caalamka, taas oo ah mid aan wax dhibaato u lahayn dadka, beeraha, xoolaha iyo deegaanka, isla markaana waaxda badaabada beeraha ee wasaaradda beeruhu ay u kuur galeen in bed-qabka suntaas iyo sida ay wax uga tartay khatartii Ayaxa, iyadoo suntaasi ay tahay mid cuntada ka xidhaysa Ayaxa illaa sideed maal-mood, taas oo keenaysa inuu Ayuxu cunto la’aan u dhinto.

Ugu dambayn wasiirka wasaaradda horumarinta beeraha Somaliland Axmed Muumin Seed wuxuu guud ahaan beeraleyda ay degaanadooda ka socato hawsha la dagaalanka Ayuxu kula dar-daarmay inay la shaqeeyaan hawl-wadeenada waaxda bad-baadada beeraha ee ku hawlan la dagaalanka iyo xakamaynta Ayaxa.

Leave a Reply