Taiwan oo Shaacisay inay Somaliland ka Saacidayso Ilaalada Xeebaha

0
604

Hargeysa (Dawan)- Wasaaradda Gaashaan-dhiga dalka Taiwan, ayaa sheegtay in ka taageerayso Xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland qorshaha ilaalinta Xeebaha Somalilnd.

Wakaaladda Wararka Somaliland ee SOLNA, ayaa soo xigatay qoraal dawladda Taiwan ay shalay ku baahisay Twitterka, oo ay ku caddaysay inay Somaliland ka saacidayso ilaalinta ammaanka Xeebaha Somaliland.

Dawladda Taiwan, waxa ay sidaasi ka ku soo shaacisay xaflad Salaasadii Toddobaadkan lagu soo bandhigayey markab noociisu ku cusub yahay dalkaas oo ah kuwa dagaalka ee xambaara miinooyinka oo qaybo badan oo ka mid ah la dhammaystiray isla markaana lagu wado inuu dhammaystirmo dabayaaqada sannadkan 2020ka.

Markabkan oo dhererkiisu yahay 41 mitir, waxa uu qaadi doonaa saanad dhan 347 tan. Waxana Wasaaradda Gaashaandhiga Taiwan xustay in loogu talo galay inuu ka hor tago wixii khatar ku ah dalkooda oo lagu qalabeeyey qumbulado loogu talogalay.

Istaageersigan ayaa ka dhashay iskaashiga iyo wax wada qabsiga ay yeesheen Jamhuuriyadda Somaliland iyo Taiwan, iyadoo labada dal ay isdhaafsadeen laba Safaaradood isla markaana ay iska kaashan doonaan mashaariic la xidhiidha Ganacsiga, Beeraha iyo Kalluumaysiga.

Xigasho Solna

Leave a Reply