“Golaha Wakiiladdu Doorashada Waa u Diyaar”Xildhibaan Cabdilqaadir Xaamud

0
491

Qore (Faysal Xiis Weerar

Hargeysa (Dawan):- Xildhibaan Cabdqadir Jaamac Xaamud oo ka mid ah mudaneyaasha golaha wakiiladda Somaliland,ayaa sheegay in golaha wakiiladda Somliland uu diyaar u yahay in doorashooyinku dalka ka qabsooman xilliga loo muddeeyay isla markana aanay wx dhibaato ah dhanka wkiilada kaga imanayn doorashada qabsoomideedda.

Waxaa kale oo uu intaa raaciyay in kootada haweenka iyo beelaha laga tirade badan yahay ba ay sharci noqonyn marka golaha wakiiladu uu meel mariyo cid is hor taagi kartaanaaanay jirin.

Waxaa kale oo uu ka hadlay saamiqaybsiga kuraasta golaha wakiilada oo uu sheegay in ay tahay wax aad u fudud oo la qaban karo islamrkaana aan u baahnyn in la siyaasameedyo,waxaanu iftiimiyay in laba qodob oo aad u fudud lagaga gudbi karo xaaladda saami qaybsiga.

Xildhibaanka oo wraysi gaar ah siiyy wargeyska Dawan,ayaa ugu horrayn isagoo ka hadlayay saami qaybsiga iyo sida lagu xllin karo waxaa uu yidhi. “arrinta saami qaybsigu waa wax aad u fudud wxaanay u baahan tahay in si miyir qab h loo galo waxaana lagu dhammayn karaa waa laba qodob oo kala ah in la sameeyo tirakoob oo dadk la tirakoobo ka dibna tirda soo baxda lagu qaybsado iyo in la raaco habkii aynu lixdnkii ku qaybsanay.”

Xildhibaanka oo ka hadlayay qabsoomidda doorashada,ayaa yidhi. Golaha wakiiladu waa u diyaar in doorashooyinku ay dalka ka qabsoomaan waanan soo dhawaynaynaa mana jirto wax caqabad ah oo dhankayaga doorashada kaga imanaysa waxaa keliya ee loo baahan yahay waxaa weeye caqabada doorashada ku gedaaman in aynu si miyir qab ah u dhamaysano,imik haddii Madaxweynuhu soo gudbiyo furista qodobo dastuurka ka mid ah cid wax kudari kartaa ma jirto waxaanu goluhu ku meelmarinayaa qodobada uu Madaxeynnuhu u soo gudbiyay oo keliya.”

Xildhibaanku mar uu ka hadlayay kootada haweenka waxaa uu yidhi. “haweenku waa hooyooyinkeen iyo hableheenii wax u diidaya xuquuq ay leeyihiinna ma jirto imikana golaha ayay hortaallaa markaa arrinta haweenka iyo beelaha laga tirade badan yahayba goluhu wuu soo dhawaynayaa.”

Leave a Reply