Degmada Arabsiyo oo laga Hirgeliyey Garoon ay Dhalinyaradda Degmadaasi ku Ciyaarto

0
509

Arabsiyo (Dawan)Guddoomiyaha degmada Arabsiyo Xamse Xaaji Xuseen Jaamac ayaa xadhiga ka jaray garoon cusub oo uu degmadaas ka hirgeliyay degmadaasi.

Garoonkan oo ahaa mid ay dhalinyaradda degmadaasi aad baahi weyn ugu qabeen ayaa galabta lagu furay ciyaartii ugu horeysay ee lagu ciyaaro, taas oo kamid ah wareega degmooyinka kala duwan ee gobolka Gebiley oo guud ahaanba ka socda degmooyinka gobolkaasi.

Ciyaarta garoonka galabta lagu furay ayaa waxa kasoo qayb galay Guddoomiyaha degmada Arabsiyo Xamse Xaaji Xuseen Jaamac, guddoomiye ku xigeenka degmadaasi iyo guddoomiyaha ciyaaraha ee degmadaasi.

Ugu horeyn waxa goobtaas ka hadlay Guddoomiyaha ciyaaraha ee degmada Arabsiyo iyo dhalinyaro kale, kuwaas oo uga mahadceliyey Guddoomiyaha degmadaasi garoonka uu degmada ka hirgeliyey oo ay sheegeen in ay muddo dheer dhalinyaradda degmadaasi ku taamayeen, waxa ay sidoo kale u mahadceliyeen Maayirka degmada Gebiley iyo badhasaabka gobolkaas oo ay sheegeen in ay soo gaadhsiiyeen qalab ciyaareed.

Ugu dambayna waxa goobtan ka hadlay Guddoomiyaha degmada Arabsiyo iyo guddoomiye ku xigeenka degmadaas oo uga mahadceliyey Badhasaabka gobolka Gebiley iyo maayirka degmada Gebiley sida ay gacanta weyn uga geysten hirgelinta garoonkan iyo ciyaaraha ka socdaba , waxaanay usoo jeediyeen shacabka in ay ilaaliyaan dhulka danta guud .

Leave a Reply