Wasiirka Maaliyada oo Daah-furay Gudida ka Garnaqa Dacwadaha cashuuraha.

0
570

Hargeysa (Dawan) Wasiirka Wasaaradda horumarinta maaliyada Dr. Sacad Cali Shore, ayaa daah-furay gudida ka garnaqa dacwadaha cashuuraha.

Magaalada Hargeysa waxaa lagu qabtay munaasibad daahfurka gudidda ka garnaqidda dacwadaha cashuuraha Somaliland.

Gudigan oo ka kooban shan xubnood oo gar yaqaano ah ayaa lagu asaasay xeerka cashuuraha xeer Lr-72/2016,  kuwaas oo loogu talo galay in ay ka gar-naqaan cabashooyinka ganacsadatada ee la xidhiidha dhinaca cashuuraha.

Daah-furka Kulankaas waxa ka qeyb galay wasiirka wasaarada maaliyada Somaliland wasiir ku xigeenka , agaasimaha guud , agaasimeyaasha waaxyaha dakhliga , taliye ku xigeenka ciidanka booliiska , taliyaha ciidanka ilaalada cashuuraha , ganacasto , xeer ilaaiyaha guud iyo ku xigeenka gar-yaqaanka guud ee qaranka iyo marti sharaf kale.

Ugu horeyn waxa ujeedada daah-furkaas ka hadlay agaasimaha guud ee wasaaradda maaliyada  Maxamed Cabdi gurxan oo faahfaahin ka bixiyay muhiimada guddidan loo sameeyay taas oo wax ka qaban doonta cabashooyinka ka yimaada dhinaca ganacsatada ee la xidhiidha  arrimaha waajibaadka cashuuraha qaranka, waxaanu intaas ku daray in xubnaha loo magaacabay ay yihiin kuwii ku haboonaa maadama ay yihiin gar-yaqaano shuruucda dalka bartay

Geesta kale, wasiirka wasaaradda maaliyada oo ka hadlay  kulankaasi ayaa sheegay in guddidaasi ay wax badan ka xalin doonto tabashooyinka la xidhiidha cashuuraha ee ka imanaya dhinaca bulashada ganacastada ah waxaanu u rajeeyay in ay xilkooda sidii loogu talo galay u gudan doonaan

Gabagabadii waxa halkaasi hadalo la xidhiidha munaasibada daah furka kasoo jeediyay gudoomiyaha guddida ka gar-naqa cashuuraha Yuusuf Biixi oo ballan qaaday in xilka loo magacaabay ay u gudan doonaan sida sharicigu farayo, waxaanu masuuliyiinta iyo marti sharaftiii kulanka ka qayb gashay ka codsaday in ay ugu soo duceeyaan in Alle k asturo xilka loo magacabay.

 

Wasiirka Wasaaradda Maaliyada oo Daah-furay Gudida ka Garnaqa Dacwadaha cashuuraha.

Leave a Reply