Hargeysa (Dawan) Wasiirka wasaaradda horumarinta caafimaadka Somaliland mudane Cumar Cabdillaahi Badde, oo saaka hortagay fadhigii saaka ee golaha guurtidda Somaliland ayaa warbixin Daah-furan ka siiyay mudanayaasha golahaasi xaladii xannuunka safmareenka ah COVID-19 iyo qaabka loo maareeyay marxaladihiisii kala duwanaa ee uu soo maray ilaa manta.
Wasiirka wasaaradda horumarinta Caafimaadka Somaliland Cumar Cali Cabdilaahi oo xarunta golaha guurtida hortaya ayaa ka warbixiyey qaabkii ay ula tacaaleen xannuunka dunida aafeeyay ee Coronavirus waxaanu tilmaamay in wasaraadu ay heegaan sare u gashay sidii ay u yarayn lahayd faafida xannuunkaasi, taas oo gudiyo ka hortag laga sameeyay dhamaan gobollada iyo degmooyinka dalka, waxaanu wasiirku intaas raaciyey in ay dalka ka xakameeyeen in xannuunkaasi.
Wasiirka wasaaradda horumarinta Caafimaadka Somaliland Cumar cali Cabdilaahi waxa uu sheegay in qaar ka mida cusbitaallada dalka ay gaadhsiiyeen ogsajiinta lagu rakibo dadka neeftu qabato iyo sidoo kale agab kale oo la xidhiidha ka hortaga faafida xannuunkaasi.
Wasiirku waxa uu u maadceliyay hay’adda caafimaadka adduunka iyo hay’ado kale oo ay gaadhsiiyeen ogsajiinta lagu rakibo dadka neeftu qabato iyo sidoo kale agab kale oo la xidhiidha ka hortaga faafida xannuunkaasi.
Wasiirku waxa uu u maadceliyay hay’adda caafimaadka adduunka iyo hay’ado kale oo uu sheegay in door laxaad leh ka qaateen keenida agabka iyo dawooyinka lagula dagalamo cudurka Coronavirus.

Halkan ka Daawo