Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Tamarta oo Tababar u Furay Xubno ka mida Wasaaradda

0
547

Hargeysa (Dawan)- Wasaarada Macdanta iyo Tamarta Somaliland ayaa shalay tababar lagu baranayo Maamulka Xafiisyada u qabatay qaar ka mida Shaqaalaha Waaxyaha ee Wasaaradaas.

Tababarkan oo ay soo qaban qaabisay Wasaarada Macdanta iyo Tamarta ayaa mudada uu socdo lagu baran doonaa Qaabilaada dadweynaha iyo Shaqo Wanaaga.

Agaasimaha guud ee Wasaarada Macdanta iyo Tamarta Maxamed Yusuf Ismaaciil oo hadal ka jeediyay furitaankii kulankan ayaa waxa uu Sheegay in Tababarkani socon doono muddo labo Toddobaad. waxaana uu yidhi “Tababarkani noqon maayo kii ugu horreeyay, waana jiri doonaan Tababaro kale oo aanu qaban doono, waxaannu ugu talo galnay Tababarkan Shaqaalaha Xafiisyada Wasaarada ka shaqeeya in ay ka faa’iidaystaan Tababarkan oo socon doona labada Toddobaad, waxaanay ku dabaqi doonaan Casharada ay ka qaataan Tababarkan Xafiisyada ay ka Shqeeyaan.
Faa’iidooyinka uu leeyahay Tababarkani waxa ka mida in qofka Xafiiska joogaa ama adeegii umada ee uu hayay isaga oo garanaya uu matali karo. waxa kale oo ka mida in Qofku marka Shirarka lagu jiro uu daboolo oo aan aqoonta la kobciyo Xafiisyada dawlada ay matalaan dad si fiican wax u bartay oo marka Xafiiska loogu yimaado ay qofkii ka muuqato qaabilaad fiican iyo aqoon fiican”.

Sidoo kale waxa halkaas hadal ka jeediyay Maxamed Sulub oo ka socday Jaamacada Hargeysa oo bixinayay Tababarkan, waxaanu ka warramay Casharada lagu qaadan doona mudada uu socdo kulankani.

Leave a Reply