Dufcadii Todobaad Ee Ciidanka Dab-demiska Oo Tababar Loo Xidhay

0
408

Hargaysa (Dawan): Dufcadii todobaad ee ciidamo ka tirsan Dab-demiska Somaliland ayaa maanta tababar loogu soo xidhay magaaladda Hargaysa.
Ciidamadan tababarka dhamaystay ayaa ka kala yimid magaalooyinka goboladda dalka.
Kuwaasoo loogu tallo galay in ay ka hawl galaan xarumaha ciidanka Dab-demiska ee magaalooyinkaasi.
Xidhitaanka tababarkaasi waxaa ka soo qayb galay wasiir ku-xigeenka arrimaha gudaha Somaliland, taliyaha ciidamadda Dab-demiska Somaliland, iyo saraakiil ka tirsan ciidamadda Somaliland.
Sidoo kale waxaa munaasibadaasi goob joog ka ahaa badhasaabka gobolka Togdheer, maayarrada magaalooyinka Hargaysa, Laascaanood, Berbera, Boorama, Saylac iyo xoghayeyaasha degmooyinka dalka qaarkood.

Halkan Hoose Ka Daawo Warkaasi:


Dawannews.com/Hargaysa Office.

Leave a Reply