Madaxweynaha oo Tacsi ah u Diray Qoyskii iyo Qaranka Somaliland ee uu ka baxay Marxuun Sheekh Cabdiraxmaan Sheekh Xasan Nuur

0
444

Hargaysa (Dawan) Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, isagoo ku hadlaya magaciisa, ka dawladda iyo ka shacbiga Somaliland, waxa uu dhambaal tacsi ah u dirayaa, Culimada dalka, waxgaradka, waayeelka, aqoonyahanka, qoyska, ehelada, qaraabada, asxaabta, iyo shacbiga Somaliland, ee uu ka baxay Alle ha u naxariistee Marxuum Sheekh Cabdiraxmaan Sheekh Xasan Nuur oo ku geeriyooday maanta oo ay taariikhdu tahay 09/08/2020 Magaalo madaxda Gobolka Sanaag ee Ceerigaabo.

Waxaanu Madaxweynuhu Sheekha ku sifeeyey mid ka mida culimada dalka magaca iyo maamuuska ku dhex leh, gaar ahaan gobolka ceerigaabo oo uu muddo dheer ka ahaa iimaamka masjid jaamaca Ceerigaabo.

Waxaanu Madaxweynuhu marxuumka ALLE uga baryayaa inuu naxariistii janno ka waraabiyo, culimada dalka, waayeelka, waxgaradka, aqoonyahanka, qoyska, ehelada, qaraabada, asxaabta iyo shacbiga Somaliland ee uu ka baxayna samir iyo iimaan saadiqa ka siiyo.

INNAA LILLAAHI WA INNAA ILAYHI RAAJICUUN

Leave a Reply