Hargaysa: Wasiirka Warfaafinta Oo Tababar U Furay Suxufiyiin

0
385

Hargaysa (Dawan): Wasiirka Warfaafinta Somaliland Saleebaan Yuusuf Cali Koore, ayaa maanta koox suxufiyiin ah uga furay Hudheel Maansoor Kulan aqoon-korodhsi oo ku saabsan Diyaarinta Warbixinaha Tahriibka qaar kamid ah Suxufiyiinta Somaliland.


Ujeedadda Kulanka ayaa ah in lagu kobciyo ogaalka iyo xirfadaha diyaarinta warbixinaha.

Waxaana ka qaybqaadanaya Waaxaha Warbaahinta ee Wasaaradda iyo Ururada Saxaafadda Madax-bannaan ee SOLJA, WIJA iyo SIBA.


Kulankaas oo ay soo diyaarisay Waaxda Qorshaynta ee Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Wacyigelinta, waxa maalgelisay haayada Socodaalka Qaramada Midoobay ee IOM.

Daawo: Hadaladii Laga Jeediyay Furitaanka Tababarkaasi:

Dawannews.com/Hargaysa Office.

Leave a Reply