Agaasimaha Guud Ee W. Warfaafinta Oo Tababar U Soo Xidhay Suxufiyiin

0
453

Hargaysa (Dawan): Agaasimaha guud ee wasaaradda warfaafinta Somaliland Mukhtaar Maxamed Cali, ayaa maanta tababar u soo xidhay xubno suxufiyiin ah oo muddo laba maalmooda oo tababarku u socday.


Tababarkaasi waxaa iska kaashaday haayadda IOM ee qaramadda midoobay wasaaradda warfaafinta Somaliland.


Waxaana tababarkaasi suxufiyiinta lagu siiyay casharro ku saabsanaa habka warbixinno, baraamijyo iyo wararka looga diyaariyo dadka qoxoontiga ah, Tahriibeyaasha iyo kuwa magan-geliyo doonka ah.
Saxafiyiinta tababarka qaatay ayaa ka socday waaxyaha kala gedisan ee wasaaradda warfaafinta, warbaahinta gaarka loo leeyahay iyo xubno ka socday ururrada SOLJA, iyo SIBA.

Daawo: Hadaladii Masuuliyiintu Ka Jeediyeen Xidhitaanka Tababarkaasi:

Dawannews.com/Hargaysa Office.

Leave a Reply