Wasaaradda Shaqo-galinta iyo oo DAAH-FURTAY Mashruuc 200,000 oo qof Ahna bulshada Nugul lagu Gaadhsiinayo Taakulo

0
520

Hargeysa (Dawan) Wasaaradda Shaqo Gelinta Arrimaha Bulshadda Iyo Qoyska Jamhuuriyadda soomaliland iyadoo kaashanaysa Baanka Adduunka (World Bank), waxa ay maanta DAAH-FURTAY mashruuc lagu taakulaynayo dadka Nugul ee Gobolada, Salal, Awdal, Saraar, Gabiley & Xaysimo oo tiradoodu dhan tahay 32,000 oo qoys oo u dhiganta (200,000 oo qof). Mashruucaas oo ay ka faa,iidaysanayaan in ka badan 32,000 oo qoys oo danyara. una dhiganta 200,000 oo qof oo muwaadiniin reer soomaliland ah.

Daah-furka mashruucan waxa kaso qayb galay Xildhibaano ka socda gollaha Guurtida JSL, Wasiirka Wasaaradda Qorshaynta iyo Horumarinta Qaranka, Madaxda Hay’adaha Caalamiga ah iyo kuwa Maxaliga ah ee dalka.
Mashruucan waxa ay dawladda Somaliland iska kaashanayaa Baanka Adduunka oo dalka ka caawiyay barnaamijyo badan oo dhanka horumarka & bani’aadanimada ah. Barnaamijkan Taakulada Dadka Nugul waa mid Baanka Adduunku uu ugu talo galay in bulshada goboladaasi ee nugul lagu caawinayo xaalada nololeed iyadoo la kobicinayo dhaqaalahooda si ay duruufaha ay ku jiraan uga baxan.

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Shaqo-galinta, Arrimaha Bulshada & Qoyska, Mudane Cabdirashiid Ibrahim Sh. Cadbiraxman oo ka waramayay mashruuca ayaa sheegay “Mashruucan Taakulada dadka nugul oo ay Wasaaraddu la kaashanayso Baanka Adduunka waa mid ay dawladda JSL hoggaaminayso hirgelintiisa, maadaama oo daryeelka bulshadu yahay waajibaadka koowaad ee dawlada. Iyadoo taasi fulinaysa waxa ay hawl wadeenada Wasaaradda Shaqo-galinta, Arrimaha Bulshada & Qoyska ee Waaxda Daryeelka Bulshadu ay u baxeen gobolada Xaysimo, Saraar, Salal, Awdal & Gabiley si ay u soo diiwaan galiyaan dadka nugul ee ku nool goboladaasi ee duruufaha adag ku nool – iyagoo kaashanaya Badhasaabada & Maayarada Degmooyinkaasi”

Waxa uu Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Shaqo-galinta, Arrimaha Bulshada & Qoysku intaasi ku daray “Qaybta Labaad ee Mashruucan ay Wasaaradda & Baanka Aduunku iska kaashanayaa waa Qayb lagu quweynayo ama lagu dhisayo kartida & Aqoonta dawladeed ee ku aadan habka Daryeelka Bulshada”

Wasiirka Wasaaradda Qorsheynta & Horumarinta Qaranka Mudane Xasan maxamed Cali (Gaafaadhi) oo isaguna madasha ka hadlay ayaa xusay muhiimada uu leeyahay barnaamijkan ay iska kaashanayaan Dawladda Somaliland & Baanka Adduunka oo dawladda Somaliland ka taageera horumarka & bani’aadanimada. Waxa uu Wasiir Gaafaadhi intaasi ku daray “Waxa muhiim ah in barnaamijyada noocan ahi ay noqdaan kuwo bulshada ka saarayaa dhibaatada haysata oo xaaladooda kobcinaysa”.

Wasiirka Wasaaradda Shaqo-galinta, Arrimaha Bulshada & Qoyska Marwo Hinda Jaamaca Xirsi Gaani oo iyadu si rasmi ah u daah-furtay barnaamijka Taakulada dadka Nugul ee Baanka Aduunka & Dawladda JSL ay iska kaashanayaa ayaa ku dheeraatay marxaladihii uu soo maray barnaamijkani. “Waxa aan ugu mahad celinayaa Baanka Aduunka oo taageeradan Somaliland ugu deeqay, isagoo si toos ah wixii horumar & mashaariic bani’aadanimaba usoo gaadhsiinaya Somaliland. Waxa sidoo kale aan u mahad naqayaa Shaqaalaha Wasaaradda Shaqo-galinta, Arrimaha Bulshada & Qoyska oo mashruucan hoggaamintiisa & hirgelintiisaba hormood ka ah”

Wasiir Hinda waxay intaasi ku dartay “Xulashada dadka nugul ee barnaamijkan ka faaiidaysanayaa waxay soo martay nidaam dheer oo madax taabasho ah oo qof kasta gobolkiisa & degmadiisa loogu tagayay iyadoo la hubinayay in uu qofkaasi buuxinayo shuruudihii loogu talo galay dadka la caawinayo”

Ugu dambeyn, Wasiirka Wasaaradda Shaqo-galinta, Arrimaha Bulshada & Qoysku waxa ay si rasmi ah u furtay Barnaamij balaadhan oo Baanka Adduunku uu ku caawinayo 200,000 (Laba Boqol oo kun oo qof) oo ka tirsan dadka Nugul ee Gobolada, Xaysimo, Saraar, Selel, Gabiley & Awdal – mashruucaasi waxa uu socon doonnaa muddo sanad ah.

 

Image may contain: 3 people, indoor

Image may contain: 2 people, people sittingImage may contain: 1 person, close-up

Image may contain: 1 person

Image may contain: 2 people, people standing and suit, text that says "S Safety Net for Human Capit Project (SNHCP) Project"

Leave a Reply