Dowlada Somaliland oo Bilaabaysa Dhismaha Dekadda Maydh

0
540

Hargeysa (Dawan) Xukuumadda Somaliland ayaa bilaabaysa dhismaha dekadda Maydh, iyada oo la sii daayay mashruuci laga maalgelinayay dekadda Maydh, islamarkaana la saxeexi doono todobaadkan.

Mashruuca ugu horeeya ee dhismaha dekadda ayaa noqon doona mid loogu tallo galay in ay ku soo xidhaan weelka kalluumeysiga iyo doonyaha bagaashka.
Wasiirka wasaaradda qorsheynta iyo horumarinta qaranka ee Somaliland Xasan Maxamed Cali, ayaa sidaas ka sheegay fadhi uu shalay golaha wakiiladda ku siinayay warbixin.

Wasiirka oo ka jawaabayay su’aal laga weydiiyay horumarinta gobolada bariga iyo waxaa uga qorsheysan ayaa yidhi “Waxaa Imika la sii daayay mashruuci dekadda Maydh, saxeexeediina todobaadkan ayaa la saxeexayaa, dekaddan waxaa aanu ugu tallo galnay dhinacna in ay weelka Kalluumeysigu kaga soo xidhan karraan dhanka kalena ay Doonyaha kale kaga soo xidhan karran, hadii aynu aragno iyada oo dhaq-dhaqaaq ganacsi ay halkaasi ay ka abuurantay waa lagu dhiiran karaa kuwa kalena, balse hadii ay ka abuurmi weydo ayay dhibaato tahay, markaa tii horaysay ayaanu gacanta ku heynaa waa arrin horumar ah oo albaab furana u noqonaysa xeebaha barriga Somaliland, wixii ka soo kordhana waynu arki hadii ILLAAHEY yidhaaho”

Leave a Reply