Dhibtaada Dagaalada Joogtada Noqda!

0
493

Dagaalkii ugu xumaa ee ka dhaca dalka Talyaaniga waxa uu ahaa midkii lagu magacaabi jiray dagaalkii Baaldiga (Guerra Della Secchia Rapita), waxaana u udagaalku uu ka dhacay sanadkii 1325, inta u dhaxaysa magaalooyinka Bologna iyo Madena.

Dagaalka aya bilowday ka dib markii koox ka tirsan ciidanka magaalada Modena ay ka xadeen baaldi loox ka samaysan magaalada Bologna.

Nasiib daro dadkii magaalada Bologna ayaa arinkaasi u arkay xaqiraad iyo in la yaraysanayo waxaana ay ka codsadeen dadkii Modena inay usoo celiyaan baaldigaasi loox ka samaysan, laakiin Modena dadkii degenaa may dhegaysan codsigaasi, ka dib waxa labada magaalo ku bilaabmay dagaal xoogan oo cadho xoog lihi ka dhex guuxayso.

Dagaalkan ayaa socday muddo 12 sano , waxaana yaab leh inkasta oo dagaalkaasi dhiig badan lagu daadiyay inaan haddana la soo celin baaldigii looxa ka samaysnaa. Baaldigaasi ayaa ilaa maanta yaalla taalada ku taalla magalaada  Modena. Taasi oo lagu xusuusto xasuuqii uu sababay baaldigaasi looxa ahi 12 sano.

Leave a Reply