Somaliland iyo Itoobiya:Deris aan diradiraale u baahnayn..Faallo

0
303
W/Q: Saleeban Cabdi Cali (Kalshaale)
Soosaareyaasha Wargeysyada Dawan
Hargeysa(Dawan)-Dabeysha Hirdanka ujeeddo badanka ah ee dalalka Geeska Afrika ay ugu jiraan Wadamada quwada isbiday iyo xiisada uu gobolka ku soo kordhiyey khilaafka Biyo-xidheenka laga sameynayo Wabiga Nile-ka ee Abiy oo ay muduciga ka tahay Dawladda Masar, ayaa u muuqda mid saameyn ku yeelatay Iskaashiga dan-wadaagta ku dhisan ee ka dhexeeya Somaliland iyo Itoobiya.
Inkasta oo aanay labada dawladdood ee Somaliland iyo Itoobiya, midkoodna muujinin wax kalsooni-darro ah oo ay kala qabaan, haddana waxa maalmihii la soo dhaafay soo baxayey dareenno lagu tashuush gelinayo xidhiidhka labada dal oo lagu tilmaami karo qorshe ay fursad isku-dhufasho ah ka raadinayaan kooxo iyo dawladdo isku-dayaya in ay gooyaan biriijka diblomaasiyaddeed ee isku-xidha Hargeysa iyo Addis-ababa oo ah mid qoto dheer oo aan si sahlan loogu wiiqi karin wakhti kooban.
Isku-daygaasi waxa u dambeeyey been abuur iyo dhalan-rog lagu sameeyey hadal uu 7dii bishan sheegay Afhayeenka Wasaaradda arrimaha dibada Itoobiya Dini Mufti, kaasoo ay qaar kamida Warbaahinta waaweyn ee aan inta badan dhexdhexaadka ka noqon guulaha siyaasiga ah ee Somaliland iyo saaxiibadeedu wada gaashaan , sida Telefishanka Aljazeera oo sanadihii u dambeeyey looga bartay dacaayadaha iyo xasaradeynta arrimaha JSL,   ay si aan gabasho lahayn u khalad turjumeen hadalka Afhayeenka u hadlay Itoobiya.
Hadalka masuulka Itoobiya oo ku yimi su’aal lagu waydiiyey shir-jaraa’id oo kaga hadlay warbixin todobaadle ah oo ay wasaaraddiisu bixiso, kaasoo nuxurkiisu ahaa sida ay Dawladda Itoobiya ugala mucaamilayso Wadamada gobolka ka hortagga colaada ka dhaxaysa Masar, ayuu Telefishanka Aljazeera u turjumay si aan ahayn jawaabtii uu bixiyey oo ka fog xaqiiqda hadalkiisa, isagoo u dhigay “in Itoobiya u aqoonsan tahay Somaliland maamul-goboleed hoos-tagga Dawladda Soomaaliya” taasoo markii uu baahiyey dood iyo hadal hayn badan ka dhex abuurtay bulshada, gaar ahaan shacabka Somaliland, kana dareen celiyeen dad door ah oo iyaga oo aan ka gun-gaadhin run ahaanshiyaha warkaasi ka hadlay warbaahinta maxaliga ah, kuwaasoo wajiyo kale ku arrooriyey wacaal aanay hubintideeda sugin.
SHase yeeshee, waxa uu warkaasi been aan sal iyo raad toona lahayn noqday, kaddib markii Warbaahinta Dawladda Somaliland ku samaysay daba-gal iyo xaqiiqo raadin ay badka ku soo dhigtay sidii uu saxda ku ahaa  hadalka Afhayeenka Wasaaradda Khaarajiga Itoobiya, kaasoo Isniintii ay baahisay Wakaalada wararka ee SOLNA.
Afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Itoobiya oo la weydiiyey in weftigii Masar ee dhawaan Somaliland yimid inay u socdeen sidii ay Saldhig uga sameysan lahaayeen Somaliland, waxaanu ku jawaabay, “Masar waa dawlad jirta, dadka iyo dalka ay doonto xidhiidh way la sameysan kartaa, laakiin waa in aan annaga dalkayaga bartilmaameed nalaga dhigan. Haddii nalaga dhigan lahaana ogolaan mayno. Somaliland, Soomaaliya iyo Suudaanba Masar xidhiidh way la sameysan kartaa haddii aanay wadin wax Itoobiya dhib ku ah.”
Danjire Dini Mufti oo hadalkiisa sii watay wuxuu intaas ku daray “Wax bartimaameed ah oo aanay dalkayaga iyo dantayada aan taabanayn oo aan dhibaato ku aheyn xor bay u tahay Masar inay cidda ay doonaan xidhiidh la sameystaan. Arrintaas Somaliland mar iyo lababa waanu u sheegnay, imikana waanu u sheegaynaa.”
Sidaasoo uu yidhi sarkaalka warkiisa la marin habaabiyey, Xidhiidhka Somaliland iyo Itoobiya oo ka soo bilaabmay sagaashamaadkii, kaddib marxaladdii shucuubta labada dhinaca ay xididdada ugu siibeen hogaamiyeyaashii Keli-taliyeyaasha ahaa ee xukumayey, waxa uu soo maray sooyaal kala duwan oo uu ku soo gaadhay halka uu hadda marayo oo ah Iskaashi ku qotoma derisnimo, dan-wadaag iyo deegaan-wadaag, saddexdaas arrimood oo koobsanaya, wax-isku ahaanshiyaha bulshooyinka labada dal ee aan soohdinta kala lahayn, dannaha siyaasaddeed ee dawladdaha iyo ganacsiga, mana moogga arrintaasi kuwa fidmada ka dhex falkinaya qaramaddan soddonka sannadood  aan mar qudha fiintu dhexdooda ka dhilaabin.
Hase ahaatee , isweydiimaha dul-yaalla sababaha fursada siiyey munaafaqadiinta isku dayaya in ay heerraan xidhiidhkaasi, waxa ay badan yihiin faham la’aan ka timi isbedelkii hogaamineed ee ka dhacay Itoobiya sanadkii 2018-kii, kaasoo loo arko in uu siyaasadda dalkaasi ee ku wajahan gobolka u leexiyey dhinac kale oo aan ahayn jihadii xukuumaddihii ka horeeyey u wadeen, khaasatan marka laga hadlayo macaamilkii ka dhexeeyey Somaliland,  taasoo ay dadka abla-ableeya siyaasaddu ku fasireen sababta sawirrada khaldan looga bixiyo saaxiibtinimada labada Waddan.
Iyadoo uu jiro dareenka ah, in hab-dhaqanka xukuumadda Itoobiya ee Abiy Axmed hogaaminayaa ka gacan-bidixaynayo qadiyada Somaliland, una janjeedho dhinaca Soomaaliya, taasina fursad siisay cadowga dalalkan, haddana wixii labada Waddan ka dhexeeyey waa sidoodii oo waxba iskama bedelin, mana aha xidhiidhkoodu mid si’ fudud khal-khal lagu gelin karo.
Waxa kale oo xusid mudan in aan madax banaanida iyo xornimada  labada dal midkoodna ka kale faro-gelin ku samaynin, kuna sameyn karin mustaqbalka, laakiinse in ay masaaliixdooda isu ilaaliyaan waa arrin kale oo soo jireen ahayd, iminkana in ay siddeed ahaataa lagama maarmaan ay tahay.
Si kastaba ha ahaatee, Somaliland waa dal madaxbanaan oo aan cidna u daba-fadhiyin cilaaqaadka uu la yeellanayo caalamka, Itoobiyana waa deris aanay is-hurin oo aan lagu khuukhin karin qadiyaddeeda. si’ kale haddii aynu u nidhaahnana “Itoobiya iyo Somaliland waa deris aan diradiraale u baahnayn”.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here