Dawlada Somaliland Qalinka ku Duugtay Mashruuca Dekadda Maydh iyo Malaayin Dollar oo uu ku Kacayo

0
596

Ceerigaabo (Dawan) Wasiirka wasaaradda xannaanada xoolaha iyo kalluumeysiga mudane Siciid Sulub Maxamed ayaa sheegay in hirgelinta dekadda Maydh ay ku baxayso adduun lacageed oo dhan shan milyan iyo badh dollar, islamarkaana loogu tallo galay in uu ku dhammaado mudo sanad iyo badh.

Sidoo kale waxaa uu fulinta mashruucan uga mahad naqay madaxweynaha Somaliland mudane Muuse Biixi Cabdi.

Hadaba waxaa wasiirka wasaaradda xannaanada xoolaha iyo kalluumeysiga mudane Siciid Sulub Maxamed, iyo gudoomiye ku xigeenka Sanduuqa Horumarinta Somaliland ee  SDF Najax Maxamuud Aadan ayaa si wada jira u saxeexay mashruuca dhismaha dekadda Maydh ee gobolka Sanaag, kaas oo xukuumaddu ka maalgelineyso Sanduuqa SDF.

 

Wasiirka wasaaradda xannaanada xoolaha iyo kalluumeysiga mudane Siciid Sulub Maxamed ayaa faahfaahin ka bixiyay adduunka lacageen ee ku bixi doona hirgelinta mashruuca dhismaha dekadda Maydh “Waxaa aynu isugu nimid waxaa weeye daahfurka mashruuca dekadda kalluumeysiga ee Maydh, waxaana laga maalgelinaya Sanduuqa SDF, dekaddan hirgelinteeda waxaa aan aad ugu amaanaya madaxweynaha Somaliland, waxaana fulineysa shirkadda ajanibiga ah ee ku takhasuustay dekaddaha, mashruucan dhaqaalaha galayaa marka lagu daro wadada Tabca oo laba boqol iyo konton kun ugu jiro mashruuca oo SDF sideeda u gelisay waa shan milyan iyo badh, mashruucani waxa loogu tallo galay in uu ku dhammaado sanad iyo badh, kana bilaabmi doonta maantay waxaa kaliya aynu sugnaa waa kanbanigii mashruuca qaatay oo u yimaada bilaabana”

Gudoomiye ku xigeenka Sanduuqa SDF Najax Maxamuud Aadan, ayaa sheegay in marka mashruucani dhammeystirmo ay ku han weyn yihiin in uu wax badan ka taro dhanka koboca dhinaca koboca dhaqaalaha ee gobolka Sanaag “Dawlada iyo Sanduuqa SDF waxaa ay isla garteen in la maalgeliyo dekadda kalluunka ee Maydh, waxaa laga yaaba in ay konton sano in  ku dhaw ay shaqeyso, waxaanay dekaddani Badda geli doonta boqol iyo shan iyo lixdan mitir dherer ahaan, balaceeduna waxaa uu noqonayaa sideed mitir, waana balac ay fududahay in ay isku waydaartaan gaadiidka waa weyn ee lixda tan iyo shanta tan ahi, marka ay dhammaatana waxaa aanu eegayna in markiiba ay ku xidhan karraan laba doonyood, oo midiba ay sido boqol tan, marka mashruucaasi hirgalana in uu kordho isu socodka dhinaca ganacsiga ee gobolka Sanaag, in waddada Tabca iyo Ceerigaabana wax laga qabto”

Madaxa mashruuca dekadda Maydh Mursal Ardaale ayaa sheegay in hirgelinta dekadda Maydh ay tahay mid guud ahaan waddanka oo dhan laga sugaayay  “Waxaa aanu doonayna in aanu halkan ku sameyno laba arrimood in aynu ku daahfurnshruuca dekadda Maydh oo in badan gobolka Sanaag iyo guud ahaan waddankaba laga sugayay, marka labaadna waxaa aanu doonayna in aanu sameyno heshiiskii dekadda halkana ay ku kala saxeexan doonaan wasiirka iyo madaxda SDF ee halkan ku sugan”

“Maayir iyo maayir ku xigeen waa maanta iyo Maydh, ana waxaan leeyahay waa saaka iyo Sanaag, marka waxaan leeyahay wax inoo kala hadhsani jire horumarka dhinacyada ayaynu qabsanaynaa, waxaana inoo balana in aynu dhanka horumarka u jeedsano, madaxweynuhuna waa uu ku mahadsan yahay dekaddii uu madaxweynihii hore dhagax dhigay maanta hadii uu fulinteedii isaguna yidhi hala dhiso”

Leave a Reply